ICRC
Iyada oo la aasaasay sanadkii 1863, Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) wuxuu ka howl galaa dunida oo idil, isaga oo caawiya dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay colaadda hubeysan iyo qalalaasaha kale, isaga oo horumariya sharciyada dhowraya dhibanayaasha. Waa urur madaxbannaan oo dhexdhexaad ah waajibaadkiisa shaqana waxaa asal u ah axdiyada Jineefa ee 1949.
Waajibaadka shaqo ee ICRC
Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) waa urur aan eexan, madaxbanaan dhexdhexaad ah oo howshiisa bini’aadamnimo ee gaarka ah ay tahay in uu dhowro nolosha iyo sharafta dhibanayaasha colaadda iyo xaaladaha kale ee qalalaase iyo in uu gargaar u fidiyo.
“…urur aan eexan, madaxbanaan, oo dhexdhexaad ah“
ICRC-du waxay kaloo ku dadaashaa in ay ka hortagto dhibaatada iyadoo horumarineysa xoojineysana xeerka bini’aadamnimada iyo mabaadi’da caalamiga ah ee bini’aadamnimada.
Ergada ICRC-da Soomaaliya
ICRC waxay markii ugu horeysay howsheeda Soomaaliya ka bilowday sanadkii 1977-dii markaa oo uu dagaal ka dhex qarxay Itoobiya iyo Soomaaliya. Waxay Soomaaliya joogtay ilaa markaa, iyada oo ka jawaabeysa baahiyaha dhibanayaasha colaadda, oo ay badanaa uga sii dareen musiibooyinka dabiiciga ah. Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) waa saaxiibka ugu weyn ee la howlgala ICRC-da Soomaliya. Iyada oo addeegsaneysa shabakadda ballaaran ee SRCS ee dalka oo dhan, ayaa ICRC oo sidoo kalena kaashaneysa bulshada deegaanka waxay ka shaqeysaa hagaajinta adeegga daryeelka caafimaadka aasaasiga ah iyo daaweynta dadk ku dhaawacma hubka. Waxay kaloo taageero deg deg ah siiyaan kuwa sida aadka u nugul, iyaga oo xoojiya habnololeedka isla markaana soo celiya xiriirka qoysaska ay colaaddu kala geysay.
ICRC-du waxay kaloo la hadashaa dhammaan dhinacyada is haya iyada oo kala hadasha arrimaha bini’aadamnimo iyo xeerarka khuseeya habdhaqanka colaadda. Iyadoo ku taagan mabaadi’deeda dhexdhexaadnimada, eexasho la’aanta, iyo madaxbanaanida, ayey dhiirigelisaa ixtiraamka Xeerka Caalamiga ah ee Bini’aadamnimada (IHL) iyada oo dhammaan dhinacyada xusuusisa waajibka ka saaran in ay xaqiijiyaan ilaalinta kuwa aan colaadda ka qeybqaadan.
Email: somaliablog@icrc.org
Xafiisyada:
| Xafiiska ICRC Muqdisho Degmada Wadajir Xaafadda Buulo-xuubey mog_mogadiscio@icrc.org
|
Xafiiska ICRC Hargeisa Degmada Jig Jiga Yar Ka soo horjeedka suuqa Cosob hag_hargeisa@icrc.org
|
| Xafiiska ICRC Kismaayo Fanoole, ka soo horjeedka Dhismaha Sadaam 2 kis_kismayo@icrc.org
|
Xafiiska ICRC Garoowe Wadada Jimcaale Xaafadda Halgan, Qeybta A gar_garowe@icrc.org
|
| Xafiiska ICRC Baydhabo Dhabarka dambe siinka Somaphone Wadada Muqdisho-Baydhabo bad_baidoa@icrc.org
|
Xafiiska ICRC Jowhar Wadada airport-ka Hantiwadaag, laanta 2 ee Baryare jow_jowhar@icrc.org
|
| Xafiiska ICRC Dhusamareeb Wadada Kadiye, Xaafadda Hodan Dhabarka hoteelka BCQ dhu_dhusamareb@icrc.org
|
Xafiiska ICRC Nayroobi Wadada Ngecha Kabete Hoose S.B 73226-00200, Nayroobi, Kenya SOK-Nairobi@icrc.org
|
Xarunta Xiriirka Bulshada
373
Telefoon: +254 709 132 000
WhatsApp: +254 706 408 908
