“Jooji haysashada kubadda! Sii gudbi!” Axmed* oo meel bannaan ah u dhaqaaqaya isagoo jaalkiis Yuusuf*ka rajeynaya kubadda. Waxay cayaarayan layli isku dhiibka kubadda cagta waxayna daneynayaan in kooxda ka soo horjeeda ayan u ogolaan in ay hantaan ciyaarta.

Axmed iyo Yuusuf waa maxaabiis ku jirto qolka B xabsiga Puntland, koofurta Soomaaliya.

Goor hore ayey dhammeysteen shaqooyinkii subaxnimo hadda waxay saaxibadooda maxaabiista ah kubadda cagta kula cayaarayan dayrka ku yaala dibadda qolalka ay seexdaan.

©ICRC/Cabdikarim Maxamed

©ICRC/Cabdikarim Maxamed

Cayaartoydu si buuxda ayey ciyaarta ugu dhexmilmeen mana u muuqdaan kuwo aan lurba ku hayn meesha lagu ciyaaro oo xaddidan iyo iyagoo aan ku ciyaareyn kubadda cagta balse ku cayaaraya kubadda koleyga. Qolka oo dhan waxaa ka jiraa dhaqdhaq badan oo muddo kooban ah. Qaar ka mid ah maxaabiistu ayagoo taagan dhinacyada ciyaarta dhiirigelinayaan cayaartoyda halka kuwo kalena meel gees ah ay ku tartamayaan laadhuu iyo dumno.

Maxaabiistu waxay ku cayaarayaan kubado iyo looxa ciyaarta oo Guddiga Caalamiga Laanqayrta Cas (ICRC) ugu deeqday afar xabsi ku yaalan Puntland. 450 looxa ciyaarta iyo 56 kubad ayaa la siiyey maxaabiista iyadoo tani ay qeyb ka tahay shaqada ICRC u qabato maxaabiista, hawshaas oo raadineysa in ay horumariso dadnimada iyo la macaamil shaaraf leh iyadoon loo eegeynin sababta ka dambeysa xarigooda ama maxbuusnimadooda.

Maxaabiista ku jirta qolka B, waxay ciyaaraha ka helayaan is-dhexgal waji ka waji ah iyo hawl madadaalo wanaagsan. Kulamada waxay sare u qaadayaan niyadda guud ee dadweynaha waxaana laga helaa faa’idooyin caafimaad oo qiimo leh.

“Tani waa sida magaalo ama guri oo kale, waa deegaan kulmiya wax walbo. Marka aan ka baxno qolalkeena, waxaan u talaabnaa bannaanaka deyrka oo magaalo oo kale ah. Ha ahaato kubadda cagta,laadhuu ama dumnad way na dhhirigelinayaan waxaana ka heleynaa xoogaa cadceed ah,”Xassan* oo ah wakiilka qolka ayaa sidaa yiri.

Intii u dhaxeysay bilihii Jannaayo iyo Juun sannadkan, guud ahaan Soomaaliya ICRC waxay 25 booqasho ku bixisay 17 xabsi si ay ula shaqeeyaan maamulka si loogu hagaajiyo xaaladaha nololeed ee maxaabiista. Taageerada kale ICRC waxaa ka mid ah dayactirka nidaamyada biyaha xabsiyada iyo deeqo sahay caafimaad ah.

Maxaabiista ku jirta xabsiga waxay jecelyihiin cayaaraha lagu cayaaro looxa, gaar ahaan dumnada. ©ICRC/Abdikarim Mohamed

Maxaabiista ku jirta xabsiga waxay jecelyihiin cayaaraha lagu cayaaro looxa, gaar ahaan dumnada. ©ICRC/Abdikarim Mohamed

 

*Ma ahan magacyadooda dhabta ah

 

images