Xuddur waa magaalo yar oo ku taalo bartamaha gobolka Bakool ee Soomaaliya waxay leedahay dhul yar oo la beeran karo.

Geedo aad u yar, qalalan oo gaagaaban ayaa ku yaalaan dhulka kulelyka dartiis la qalalay. Si kastaba ha ahaatee, cidhifka magaalada marka aad ku sii dhowaaneyso ayaa ka muuqda xoogaa beero yar yar oo dhir si fiican u baxday ku yaalaan. Waa is barbar dhig qayaxan marka loo eego dhulka qalalan ee beertaas ku hareereysan.

Cali Aadan waa milkiilaha mid ka mid ah beerahaas. Wuxuu yiri beeraha waa in si joogto ah loo waraabiyo iyadoo biyaha laga soo tuuraayo ceel meesha u dhow. In yar oo xannaano carro gedis dheeraad ah ayaa ah waxa keliya dalaga beertiisa ku yaalaan sida ansalaato (kale), barbarooni, basbaas iyo liin dhannaan u baahan.

Waxa uu soo saaro ayaa ku maareeya in qoyskiisa cunto ku siiyo, qaarna wuxuu ka iibiya suuqa ku yaalo deegaanka.

Inkastoo inta badan Soomaaliya ay tahay oomane iyo oomane-xigeen, ayaa tiro dad ah weli nolol ahaan (habnololeedkooda) ku tiirsanyihiin beero falashada. Barnaamijka Sugnaanta Dhaqaalaha ICRC-da Soomaaliya beeraleyda sida Cali Aadan oo kale ku taageeraa maalgelinta beeraha, qalab iyo talo ku saabsan kor u qaadida adkeysiga bulshooyinka dhexdooda. Waxaa kaloo la hagaajiyey kaabayaasha sida nidaamyada waraha.