Isbitaal Goboleedka Baydhabo waxaa dhowaan la soo gaarsiiyay in ka badan 220 bukaan oo la ildaran cudurka dilaaga ah ee daacuun caloolaha. Todobo qof ayaa u geeriyootay xanuunka tan iyo markii xaaladii ugu horeysay la xaqiijiyay bilowgii Disember ee 2015. Inkastoo dad badan u soo ritay cudurka, Isbitaalka wuu awooday inuu la tacaalo xaalada, iyadoo ay ugu wacan tahay tageerada Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas (ICRC) Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS).
Iyadoo ay korortay tirada bukaanda la keenay bishii Disember 2015, awooda isbitaalka ayaa noqotay mid kala taag ah, ICRC-duna waxay bixisay sahay dawo ah isla markaana ku caawintay dhisida teendho laogu talagalay in lagu sooco dadka ugu baahan daryeel gaar ah.
“Waxaan arkay bukaano da’doodu u yartahay ilaa iyo wiil shan jir ah oo ay keentay hooyadiis, Fadhumo, oo si aayar ah u soo fiicnaanaya, hooyadiisuna ay ku rajo weyn tahay inuu fiicnaado” sida waxaa yiri Mohamed Aydurus, oo ka mid ah seddex iyo tobon mutadacawaciin oo ay Bisha Cas howgalisay si ay wax ugu qabtaan baahida shaqaalaha ee Isbitaalka Baydhaba.
“Hadda wiilkeyge qatar kuma jiro, taxadir ayaan sameynayaa sida karkarinta biyaha iyo nadiifinta deegaanka ku hareereysan gurigayga” sidaa waxaa tiri Faadumo oo deggan Baydhabo.
Bukaanada ku dhacay xanuunka daacuunka badankood waxay ku nool yihiin Baydhaba halka qaar ay yihiin dad barakacayaal ah oo ka yimid daafaha magaalada.
Odayaasha deegaanka iyo hogaamiyaasha diinta ayaa waxax gacan ka geysteen wacyigelinta bulshada ee baahida fayodhowr wanaagsan si looga hortago cudurka dilaacay.
“Waxaan bilownay inaan tabarno mutadawaciinta Ururka Bisha Cas (SRCS) si ay u sameeyaan wacyigelin fayadhowrka heer qoys ahaan,” sidaa waxaa yiri Maurizio Campailla oo mas’uul ah ka ah isku dabaridka barnaamijyada caafimaadka ee ICRCda Soomaaliya.
Sida uu yiri Maurizio, ICRC waxay sidoo kale dhaqangelisay tababar loo fidiyay shaqaalaha isbitaalka sidaa darteed way awoodi karaan inay la tacaalaan xilliyada xaaladaha deg degga ah.
Dhammaadkii bisha Jannaayo 2016 inta badan bukaanka waa laga saarey isbitaalka, waxaana ku soo haray lix keliya.
Labaduba ICRC iyo SRCS waxay si dhow ula socdaan xaalada Baydhabo haddii cudurkan faafa dib u soo noqonaya
ICRC waxay joogtay gobolka Baay iyo gaar ahaan Baydhaba halkaas ay ku taageereysay waaxda qalinka ee Isbitaal goboleedka Baydhaba tan iyo 2014tii iyo xarunta lagu xanaaneeyo caruurta nafaqodarada hayso tan iyo 2015tii. Xarunta xanaanada deg degga ah ee carruurta nafaqodareysan ayaa carruurta ku daryeesha barnaamijka quudinta dheeriga ilaa iyo ay ka gaaraan culayska ugu wacan.