Muqdisho (ICRC) – Iyada oo ay bisha Ramadaan bilaabaneyso, ayaa Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) waxa uu bilaabay cunto qaybintiisii Ramadaanka ee sanadlaha aheyd oo la gaarsiiyay ku dhawaad 5,000 oo ah maxaabiis ku xiran 11 xabsi Soomaaliya oo dhan.

Maxbuus kasta waxa uu helayaa xirmo ka kooban timir, sokor, caano boore iyo buskud. Intaa waxaa dheer, jikooyinka xarunta waxaa la siiyaa cuntooyinka aasaasiga ah oo ay ku jiraan caleen shaah, misir, yaanyo shiishiid, saliidda cuntada lagu karsado iyo ari si loogu taageero diyaarinta cuntada inta Ramadaanka lagu jiro. Taageeradan dheeriga ah ayaa hubineysa ilaalinta ruuxda bisha barakeysan, xitaa xabsiyada dhexdooda.

“Bixinta taageerada Ramaadaanku waxay inoo noqotay caado la jecleysto. Waa tallaabo ka tarjumeysa sida ay nooga go’antahay hubinta in dhammaan dadka xorriyadda laga qaaday loo la dhaqmo si bini’aadamnimo, sharaf iyo ixtiraam leh,” ayuu yiri Antoine Grand, madax Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayta Cas ee Soomaaliya.

Barnaamijka xabsiyadu waxa uu qeyb muhiim ah ka yahay shaqada ICRC ee Soomaaliya. ICRC-du waxay si dhow ula shaqeysaa masuuliyiinta xabsiyada si loo hagaajiyo xaaladaha nololeed iyo la macaamilka maxaabiista. Hawlaheeda waxaa ka mid ah booqashooyin joogto ah oo ay xabsiyada ku tagto si xaaladaha loo qiimeeyo, maxaabiista loogu caawiyo in ay la xiriiraan kuwa ay jecelyihiin, xarumaha caafimaadka xabsiga la siiyo taageero iyo agab caafimaad, iyo in la hagaajiyo kaabeyaasha iyo nadaafadda.

Sanadka 2025, ICRC waxay 56 booqasho ku tagtay 20 xabsi oo dalka oo dhan ah iyada oo booqatay 5,102 maxaabiis ah, kuwaa oo 566 ka mid ah si gaar gaar ah xaaladooda loo la socday.

Iyada oo dareenka dadka ee arrimaha la xariira xabsiyada uu kordhayo, ICRC waxay warbaahinta iyo dadka sameeya macluumaadka dijitaalka ah ugu baaqeysaa in ay arrimahan oo kale si masuuliyad leh u wajahaan. Ixtiraamka gaar ahaanshaha iyo sharafta maxaabiistu waa lama huraan maadaama baahinta sawirro la aqoonsan karo ay iyaga iyo qoysaskoodaba ku soo jiidi karto xiisaha dadka iyo in la dhibaateeyo.

ICRC-du waxay hadda in ka badan 700,000 oo maxaabiis ah ku booqataa in ka badan 670 xabsi adduunka oo dhan. Booqashooyinka xabsiyada Soomaaliya ayaa bilowday sanadkii 1977 intii uu socday dagaalkii Ogaden. Iyada oo ah urur bini’aadamnimo oo aan eexan, dhexdhexaad ah oo madax banaan, ICRC-du waxaa kale oo ay u shaqeysaa, marka laga codsado oo dhammaan dhinacyada ku lugta lehna ay ogolaadaan, si dhexdhexaadnimo leh si loo fududeeyo siideynta bini’aadamo ee maxaabiista.

Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan la xiriir:

Rahime Adan, ICRC, tel: +254 705 410 641, email radanissack@icrc.org

Fadumo Ali Jama (English/Somali), ICRC Mogadishu, +252 611 006 330, email falijama@icrc.org

Ama booqo mareegteenawww.icrc.org

Si aad u aragto oo u soo dejiso muuqaalkii ugu dambeeyay ee ICRC ee tayo baahin ah leh, galwww.icrcvideonewsroom.org

Si aad u ogaato hawsha ay ICRC Soomaliya ka heyso, gal

https://blogs.icrc.org/somalia/

Kala soco ICRC Soomaaliya instagram.com/icrc_somalia and x.com/ICRC_Africa