Xilliyada colaadda, daryeelka dhaawaca iyo kuwa xanuunsan waa masuuliyad aasaasi ah oo ay wadaagaan dhammaan kuwa ku lugta leh-  iyada oo aan lakala soocin. Tanina dhab ahaan waa waxa uu sharciga caalamiga ah ee bini’aadamnimadu (IHL) ku baaqayo.

Shanta daqiiqo ee ugu horreysa xaalad caafimaad ee deg-deg ah ayaa inta badan ah kuwa ugu muhiimsan. Xilligaas, halka ugu horreysa ee daryeelku maahan isbitaal; waa aniga iyo adiga. Mar uun nolosheena ka mid ah, waxaa dhici karta in aan galno xaalad u baahan in aan qaadano doorka jawaab celiyha koowaad.

Daryeel aan hakad laheyn ayaa go’aamin kara natiijada dhacdo naxdin leh. Dhacdooyinkan silsiladda ah, laga bilaabo gargaarka deg-degga ah daryeelka isbitaalka ka hor, ilaa daadgureynta iyo ugu danbeyn isbitaalka, intaa oo dhan waxaa gundhig u ah tallaabada koowaad. Gargaarka deg-degga ah ayaa qaata doorkaas muhiimka ah. Waa shaqada ugu horreysa ee la qabto xilliga dhibaatada, waa wadada qofka dhibaateysan gaarsiisa rajo, caawimaad farsamo, ugudanbeyna bogsasho.

Maalinta gargaarka deg-degga ah ee Adduunka, waxaan bogaadineynaa dhammaan kuwa shaqadan u istaagay. Waxaan sharfeynaa gacmaha la tacaala nolosha daqiiqadahaas xasaasiga ah – kuwa la tababarayo, mutadawiciinta, xirfadleyaasha caafimaadka, iyo xubnaha bulshada ee go’aanka miyirka leh ku qaata in ay noqdaan isku xirka koowaad ee aan la jabin karin. Ficilkoodu waxa uu saldhig u yahay waxkasta oo kale.

Iyada oo ay taageereyso ICRC, ayaa Ururka BishaCas ee Soomaaliyeed (SRCS), waxa uu maamulaa barnaamijka daryeelka isbitaalka ka hor iyo gagaarka deg-degga ah oo dalka oo dhan ah oo loogu talogalay in lagu hubiyo, in Soomaalida daryeelka u baahan in aysan kali noqon xilliyada ay dhibaateysanyihiin.

Intii lagu jiray qeybta koowaad ee sanadka, ku dhawaad 300 oo ah xubnaha bulshada ayaa lagu tababaray xirfadaha aasaasiga ah ee gargaarka deg-degga ah. Waxay barteen sida dhiigga loo joojiyo, cadaadiska wadnaha loo sameeyo (CPR), hagaajinta faashadaha iyo kabka, iyo xasilinta dhaawacyada ka hor inta aanan dhibaneyaasha isbitaalka ugu dhow la gaarsiinin. Waa safka ugu horreeya ee jawaab celinta.
@SRCS

 

Soomaaliya oo dhan, dagaalyahannada gaar ahaan kuwa ku jira furimaha, waxaa lagu tababaraa gargaarka deg-degga ah, iyo mabaadi’da Sharciga Caalamiga ah ee Bini’aadamnimada (IHL), iyada oo la hubinayo in uu daryeelku gaari karo qof kasta, iyo meel kasta.
Sanadkii 2024, 227 dagaalyahan ayaa qaatay tababarka gargaarka deg-degga ah, iyada oo 125 kalena ay tababarka qaateen qeybta hore ee sanadka 2025.
@ICRC/Elmi Dirie

 

Shabakad ka kooban 300 mutadawiciin SRCS ah oo dalka oo dhan ah ayaa diyaar u ah in ay ka jawaabaan xaaladaha deg-degga ah, iyada oo ay taageerayaan kooxaha gurmadka aambalaasta oo ay taageerto Laanqayrta Cas (ARTs) ee Muqdisho, Gaalkacyo iyo Laas Caanood. In mutadawiciinta la siiyo awood nafbadbaadin leh ayaa gacan ka geysaneysa in shabakad badbaadineed la siiyo bulshada ku nool meelaha ya adagtahay in la gaaro.
@ICRC/Abdikarim Mohamed

 

Laga bilaabo daqiiqadda la helo wicitaanka dhiillada, waqtiga ayaa aad u yaraada.
Si loo caawiyo, bulshooyinku waxay wici karaan namabarka bilaashka ah ee kooxaha aambalaasta SRCS ee ugu dhow:
Muqdisho ART: 446
Waqooyiga Gaalkacyo ART: 383
Koofurta Gaalkacyo ART: 446
Laas Caanood ART: 936
@ICRC/Abdikarim Mohamed

 

Marka ay goobta yimaadaan, xirfadleyaasha caafimaadka SRCS waxay gacan ka geystaan xasilinta bukaanada ka hor inta aanan loo gudbin isbitaalka ugu dhow, iyada oo la siinayo fursadda ugu fiican oo ay ku badbaadi karaan
Sanadka qeybtiisa hore, in ka badan 5,000 oo bukaan ayaa helay daweynta gargaarka deg-degga ah, oo ay ku jiraan 859 ku dhaawacmay hub.
@ICRC/Abdikarim Mohamed

 

Xirmada gargaarka deg-degga ah ee caadiga ah waxaa lagu keydiyaa faashado sharootada dhaawaca, jeermis dile, faashad nadiif ah oo dhaawaca lagu xiro, maqas iyo birta loo yaqaano (tweezers), gacmo-gashi, heerkul-beeg, iyo xanuun baabi’iyeyaal. Sanadka 2024, 550 xirmooyin ah ayaa la gaarsiiyay bulshooyinka iyo dagaalyannada si looga caawiyo maaeynta xaaladaha deg-degga ah. Ilaa hadda sanadka 2025, 754 kale ayaa la bixiyay.
@ICRC/Rahime Issack

Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed waxa uu maamulaa Machadka Tababarrada SRCS oo ku yaala bartamaha magaalada Muqdisho, halkaa oo ay bulshadu ka baran karaan xirfado nolol badbaadin leh. Maanta oo ah maalinta Gargaarka deg-degga ah Adduunka, noqo isku xiraha koowaad ee silsiladda badbaadinta.