Muqdisho (ICRC) – Iyada oo ay bisha barakeysan ee Ramadaan fooda nagu soo heyso, ayaa Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) waxa uu bilaabayaa kaalmadiisa sanadlaha ah ee Ramadaanka oo uu ujeedkeedu yahay in la gaarsiiyo ku dhawaad 5,000 oo maxaabiis ah oo ku jira 16 xabsi oo dalka oo dhan ah.

“Ramadaan waa xilli barakeysan oo Muslimiinta caalamka oo dhan u ah xilli ay dib isugu noqdaan, kalgaceyna isu muujiyaan bulsho ahaan, waxa uuna si gaar ah dhibaato ugu noqon karaa kuwa xorriyadda laga qaaday,” ayuu yiri Antoine Grand, oo ah madaxa ICRC-da Soomaaliya. “Taageerada maxaabiista inta lagu jiro xilligan ayaa caado sanadle ah u noqotay ICRC Soomaliya iyo dalal kale oo badan— taa oo ah tallaabo lagu hubinayo in aysan dareemin in laga tagay.”

Afarta todobaad ee soo socota, ICRC-du waxay cunto ka qeybin doontaa 16 xabsi. Maxbuus kasta ayaa heli doona xirmo ka kooban timir, caano booro, lows, iyo buskud halka jikooyinka xabsiyadana la siin doono sokor, caleen shaah, misir, yaanyo shiishiid iyo saliid cadeey. Intaa waxaa dheer, ICRC waxay dhammaan goobahaas ka qeybin doontaa 512 ari ah. Alaabtan ayaa dhammeystir muhiim ah u ah raashinka ay hadda mas’uuliyiinta xabsigu bixiyaan.

Booqashada maxaabiista ayaa ah qeyb muhiim ah oo ka mid ah shaqada ICRC ee Soomaaliya iyo adduunka oo dhan. Ururka ayaa tan iyo sanadkii 1977 waday booqashooyin uu ku tagayo xabsiyada Soomaaliya. Booqashooyinkan ayaa lagu hubiyaa in xaaladaha xabsiyada iyo habka loola dhaqmo maxaabiista ay waafaqsanyihiin sharciga Soomaaliya iyo heerarka caalamiga ah. Sanadkii la soo dhaafay, ICRC waxay 51 booqasho ku tagtay 16 xabsi. Dhismeyaasha caafimaadka oo ku yaala shan xabsi ayey ICRC sidoo kale ku taageertay dawooyinka asaasiga ah iyo agab kale. ICRC-da ayaa sidoo kale howlo dayactir ah ka fulisay sadex xabsi.

 

Wixii macluumaad dheeri ah, la xiriir fadlan:

Abdikarim Mohamed, ICRC Nairobi, + 254 770 171 756 (English & Somali)

Fadumo Ali Jama, ICRC Mogadishu, +252 611 006 330 (English & Somali)

Email somaliablog@icrc.org or visit our website: www.icrc.org

To preview and download the latest ICRC video footage in broadcast quality, go to www.icrcvideonewsroom.org