Degmadda Luuq ee gobolka Geddo ee koonfurta Soomaaliya ayaa nolol maalmeedkii si xun u hakayey kadib markii dagaal beeleed uu sababey in boqolaal qoys ay xididada u siibeen guryahoodiina ay noqdeen kuwo dambas ah, qoysaska ku nool tuulooyinka yar yar ee aaggaas ayaa ku soo haray sheeko naxdin leh oo nasiib-darro ah, baahi iyo hubanti la’aan.

Haraadiga madaafiicda qarxay ayaa dhex daadsan dambaska, taasoo ah mid si weyn u xasuusinaysa saameynta xun ee rabshadaha.
©ICRC/Ismail Taxta

 

Sagaalkii billood ee ugu horeeysay 2024 waxa la arkay in ka badan 103,000 oo qof oo ka bara kacay guryahoodii, sida ay sheegtay kooxda Isku-dubaridka iyo maaraynta xeryaha, barakaca, hada waa xaqiiqo in aan la tirin karin qoysaska ku nool  Soomaaliya,  isku dhacyada beelaha, oo ah arin soo jireen ah oo ka jirta Soomaaliya, ayaa weli sii uga sii dareysa halganka qoysaska, sii kordhaya barakaca, iyo qeyraad yarida guud ee dalka.

Ma’ash wuxuu isku dayaa inuu badbaadiyo wixii ka haray gurigiisa kadib dagaal beeleed sababay in boqolaal qoys oo tuuladiisa ku noolaa in ay hoy la’aan noqdaan.
©ICRC/Ismail Taxta

 

Salado Osmaan, waa hooyo leh lix caruur ah, waxay fadhidaa hooska  hoyga cooshadaha ka samaysan ee ay ka buuxaan walaac iyadoo aan garanayn halka ay ka iman doonaan cuntadooda, Axmed Xasan waxa uu dib u xasuusanayaa cabsidii maalmahan soo jirtay isagoo ka sheekaynaya sidii ay u qoteen difaaca ay kaga gaashaantaan rasaasta habowsan,  xataa odayaashii way aragagaxeen, Maa’ash Maxamed Nuur oo 75 jir ah ayaa ku calaacalay inuusan waligii arkin ‘burbur heerkan ah’’.

“Maalin kasta waxaan kacaa anigoo nabad rajaynaya, laakiin colaaduhu way sii socotaa.” Salado Osmaan, oo ah hooyo lix carruur ah leh, waxay u taagan tahay jiilka ku dhex jira qalalaasaha dagaal beeleedyada, kuna dhegan riyada ah in beri wanaagsanaan doonto.
©ICRC/Ismail Taxta

 

In ka badan 42,000 oo qofood oo ku nool gobolka Geddo,  tani waxay noloshoodu ahayd sadexdii bilood ee la soo dhaafay,  guryo mac-mal ah oo kala fog-fog,  rabshadaha qabaa’ilka ayaa barakiciyey kumanaan qoys, kuwaas oo dhibaateeyeen hab-nololeedkii degmooyinka waqooyiga, bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya. Inta badan, isku dhacyadaani waxay ka dhacaan dhul daaqsimeeyada.

Axmed, aabbaha sideed carruur ah, ayaa eegaya haraagii xerada ay isaga iyo qoyskiisu mar ku noolaayeen ee Luuq, Axmed, ayaa wax walba ku waayay iska horimaadyadii u dambeeyay, iyadoo ay horay uga barakaceen fatahaado xoogan oo ka dhacay deegaankoodii hore. ©ICRC/Ismail Taxta

 

Iyada oo taas ka duulaysa hay’adda Bisha Cas ee Soomaaliyeed  iyo Laanqeyrta Cas ee Finland ayaa  waxa ay qoysaska u qaybiyeen agabyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dirmo, shukumaano nadaafada haweenka, bustayaal, iyo kaalmo lacageed,  inkastoo aysan ku filneyn, waxay caawin doontaa qoysaska, hooyooyinka, aabayaasha iyo carruurta  mid kastaa wuxuu sitaa miisaanka lumay iskuna dayo inuu wax qaado.