Saddex bilood kadib dagaalka Laascaanood, qoysas badan ayaa weli wada in ay ka cararaan dagaalka ka socda aagga gobolka Sool. Sanadkan, in ku dhow 200,000 oo dad ah ayaa colaad iyo amni darro darteed uga barakacay gobolka, sida ay muujinayso xogta Shabakadda Dhawridda iyo Kormeerka Barakacayaaasha. Teer iyo bilawgii dagaalka ee horraantii feberaayo, Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) waxay qabteen shaqooyinkan soo socda, xili ay sidoo kale ku baaqeen is xakamayn iyo in aan la carqaladaynin helitaanka hawlaha bini’adannimada ee u socda dadka ay isku dhacyadu saameeyeen.

  • Lix cisbitaal ayaa la siiyay agabka qalliinka oo ku filan 400 oo ah bukaannada ku dhaawacmay dagaalka. Laanqayrta Cas waxay sidoo kale gaarsiisay lix dersin oo ah agabka dhaymada si loogula tacaalo dhaawacyada aan cuslayn.
  • Waxaa la abaabulay afar Ambalaas oo ay u dhamaystiran yihiin dareewallo iyo mutadawiciinta Bisha Cas si ay cisbitaallada u geeyaan dhaawacyada. 38 xirmooyinka gurmadka deg degga ah ayaa sidoo kale la siiyay ururka Bisha Cas. Ilaa hadda, ku dhowaad 1,117 dhaawacyo ayaa helay daawaynta cisbitalka ka hor, caawimaad iyo gaadiid si ay u gaaraan heerka xiga ee daryeelka ay u baahan yihiin.
  • 88 dhaawac oo laga keenay Laascaanood ayaa qalliin loogu sameeyay cisbitaalka Madina ee Muqdisho oo ah xaruun ay taageerto ICRC-da.
  • Koox qalliin oo ka tirsan ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed iyo unug ambalaas ah oo ka yimi Muqdisho iyo Galkaacyo, waa sida ay u kala horeeyaane, ayaa loo diray Laascaanood si ay taageero dheeraad ah u siiyaan adeegyada caafimaadka.
  • In ku dhow 4,000 oo ku barakacay tuulooyinka Kalabaydh, Dhagax Isgurow, Xidhxidh, Dhumay iyo Dharkayn ayaa helay laba wareeg oo taageero lacageed ah. Qoys walba wuxuu helay markii koowaad $130 halka markii labaadna ay heleen $110. Isku-darka lacagtaas ayaa ku filan in ay daboosho baahiyahooda asaasiga ah ugu yaraan laba bilood.
  • Ku dhowaad 2000 oo ah qoysas u barakacay dhinaca Buhoolde ayaa la diiwaangeliyay waxayna heli doonaan taageero lacageed oo midaas la mid ah.
  • ICRC waxay si dhow ula socotaa cawaaqib-xumida bini’adannimo ee dagaalka, gaar ahaanna dhacdooyinka khatarta ku ah shacabka iyo hantidooda oo ay ku jiraan hawlwadeennada caafimaadka iyo xaruumahooda, iyadoo sii wada wada-hadallada ku aadan walaaca arrintaas ee ay lala yeesho dhinacyada ay khusayso.
  • Laanqayrta Cas oo si wadajir ah ula shaqaynaysa Bisha Cas, waxay 85 wicidtaanno bilaash ah siiyeen dadka dhaawacyada ah ee Afar cisbitaal oo ku kala yaala Garowe – Cisbitaalka Guud ee Garowe, Cisbitaalka Qaran, Cisbitaalka Carafaat iyo Cisbitaalka SomeCare. 18 wicidtaanno ah ayaa sidoo kale la siiyay bukaannada dhaawaca ah ee Cisbitaalka Guud ee Kalabaydh ee gobolka Sool.
  • Ku dhowaad 4,000 oo wicidtaanno bilaash ah ayaa loo fududeeyay dadka u barakacay 32 kaam oo ku yaala Garowe si ay u soo celiyaan isla markaasna u joogteeyaan xiriirka qoysaskooda.
  • 26 codsiga baafinta ah ayaa laga aruuriyay dadka u soo barakacay Garowe halka siddeedna laga aruuriyay Kalabaydh. 16 codsi oo kalena waxaa laga helay dhinaca dadka u barakacay Itoobiya.
  • ICRC-da waxay dabagal ku samaysay dhawr kiis oo shaqsi ah dad loo malaynayo in loo xiray in ay xiriir la lahaayeen collaada Laascaanood, si loo xaqiijiyo hadii ay ku sugan yihiin goobaha dadka lagu xiro ee hay’addu sida joogtada ah u booqato.
  • ICRC-da waxay booqatay goobaha dadka lagu xiro si ay u hubiso xaaladda iyo hab la dhaqanka dadka loo xiray arrimo la xiriiro xiisadda Laascaanood, iyo in la hubiyo in ay helaan akhbaarta qoysaskooda.
  • Hawlaha biyo-dhaaminta oo ay ka faa’iidaysteen 350 qoys oo ku sugan tuulada Geed-dheer mudo lix sitimaan ah ayaa soo dhamaatay, iyadoo shidaal la siiyay laba ceel oo ku kala yaala Saax-dheer iyo Dharkayn.
  • 6,500 oo qoys oo ku jira siddeed kaamam barakac oo ku yaal gudaha gobolka Sool ayaa mid waliba helay 60 kiniini oo biyo-sifeeye ah si ay ugu filnaato mudo laba bilood ah, waxaana weheliyay saabuun iyo jirikaanno.

Muuqaalka kala deg ICRC Video Newsroom

Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan la xiriir:

Abdikarim Mohamed, ICRC Somalia, tell:  +254 770 171 756, mabdikarim@icrc.org 

Anisa Hussein, ICRC Nairobi, tell: +254 708 797 750, anisah@icrc.org

Kala soco ICRC  instagram  and twitter