Muqdisho (ICRC): Jaamacadda SIMAD oo guul muhiim ah gaartay ayaa ku guuleysatay Tartanka Sharciga Caalamiga ah ee Bini’aadamnimada Soomaaliya (IHL) ee 2026, iyada oo heshay fursad ay Soomaaliya ku mataleyso kamadanbeysta tartanka All-Africa.

Waxay tartameyaasha waayo aragnimada leh ee Jaamacadda Muqdisho kaga adkaadeen, kulan si dhow loogu tartamay oo tijaabiyay fikirka sharci iyo aqoonta IHL.

Tartanka ayaa isu keenay kooxo ay mid kasta sadex arday oo qanuunka barata ka koobantahay. Todobo jaamacadood oo dalka oo dhan ah ayaa qoraalladooda ku soo gudbiyay wareegga hore ee tartanka, iyada oo ay Jaamacadaha SIMAD iyo Muqdisho kamadanbeysta tartanka u gudbeen.

Kamadanbeysta ayaa waxaa lagu soo bandhigay booqasho xabsi oo matalaad ah, oo ka tarjumeysa hawlaha dhabta ah ee Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC), iyo fadhi maxkamadeed matalaad ah halkaa oo ay kooxuhu kaga doodeen dacwad oogista iyo difaaca labadaba, kiis IHL ah oo khiyaali ah.

“Aad ayaan u xamaasadeysannahay. Waxbadan ayaan ka baranay waana ka mahadcelineynaa fursadda nala siiyay,” ayeey tiri Ayni Abdulkadir, oo ah mid ka mid ah ardeyda Jaamacadda SIMAD.

Hafsa Jelle oo ka socota Jaamacadda Muqdisho ayaa loo magacaabay Af-hayeenka ugu Wanaagsan aftahnimo heer sare ah oo uu ku soo bandhigay guddi ka kooban sadex garsoore awgeed.

Iyada oo 30-ka Juun 2026 lagu qabtay Muqdisho, ayaa waxaa kamadanbeysta isaga hor yimid Jaamacadda Muqdisho oo iyada oo horyaal heysata soo noqotay oo waliba tartanka aad uga muuqatay tan iyo markii toos laga dhigay sanadkii 2024-tii, iyo Jaamacadda SIMAD oo markii ugu horreysay kamadanbeysta ka soo muuqatay.

“Dareenka ay labada kooxood soo bandhigeen ayaa muujinaya xiisaha sii kordhaya oo ay da’yartu u hayaan IHL-ka u hayaan,” ayuu yiri Antoine Grand, Madaxa ICRC-da Soomaaliya.

“Hambalyo Jaamacadda SIMAD innaga oo taageeri doona kamadanbeysta tartanka All-Africa oo la qaban doono dhammaadka sanadkan.”

Tartanka ayaa imanaya iyada oo ay Soomaaliya dhawaan ku biirtay Hindisha Caalamiga ah ee IHL, iyada oo xoojineysa ka go’naashaheeda ah kor u qaadista iyo ixtiraamka xeerarka bini’aadamnimada. Iyada oo ay xaaladani jirto, ayaa Tartanka IHL ee Soomaaliya waxa uu wali u muuqdaa in uu yahay mid ka mid ah madallada aqooneed ee ugu horreeya dalka, isaga oo kobcinaya jiil cusub oo xirfadleyaal sharci ah oo fahamsan in uu sharcigu muhiimyahay, xitaa xilliyada colaadaha.

 

Wixii macluumaad dheeri ah, la xiriir fadlan:

Rahime Adan, ICRC, +254 705 410 641, radanissack@icrc.org (English & Somali)

Fadumo Ali Jama, ICRC Mogadishu, +252 611 006 330, falijama@icrc.org (English & Somali)

Email: somaliablog@icrc.org ama booqo mareegteena: www.icrc.org

Si aad u eegto oo aad ula soo dagto muuqalladii ugu danbeeyay ee ICRC oo tayada baahunta leh, booqoto www.icrcvideonewsroom.org

Si aad u ogaato waxa ay ICRC Soomaaliya ka qabato, booqo

https://blogs.icrc.org/somalia

Kala soco ICRC-da Soomaaliya instagram.com/icrc_somalia and twitter.com/ICRC_Africa