Todobo caruur ah ayaa gurigooda ka baxay si ay dugsi u aadaan. Lix kaliya ayaa soo noqday.

Subaxdaa oo ahayd April 2025 waxay degmada Aadan Yabaal oo ku taala gobolka Shabeellada Dhexe ee koofurta Soomaaliya, uga bilaabatay sidii subax caadi ah. Yuusuf Muxyidiin oo 10 jir ah, oo ah wiil jeclaa kaliya in uu kubadda cagta saaxiibadii la cayaaro, ayay isaga iyo lix kale dugsiga aadeen. Dhulku wuxuu u muuqday mid caadi ah, ugu yaraan marka loo eego indhaha caruurta. Si kadis ah, iyagoo aan fileyn, dhulkiii ka hooseeyay ayaa qarxay.

Waxa ay ku istaageen ma ahayn hub lagu riday caro ama aargoosi dartood. Waxay ahaayeen wax dhulka hoostiisa lagu aasay; aamusan, oo aan la arkayn. Waxaa looga tagay meel ay muddo dheer dagaallo ka jireen, iyada oo ay bulshadu si joogto ah dhibaato ugu qabtay colaad aysan iyagu sameynin. Mid ka mid ah lixda caruurta ah ayaan gurigiisa naf la gaarin. Mid kale, oo ah Yuusuf, ayaa lugtiisii ku waayay. Maanta, wuxuu mar kale baranayaa sidii uu u socon lahaa – markan isaga oo kaashanaya adin macmal ah, oo ka shaqaynaya sidii uu u siin lahaa wixii uu horay u haystay.

Tani waa xaqiiqada murugada leh ee saamaynta sii socota ee dagaalka.
Soomaaliya, tobanaan sano oo dagaal wareega ah ayaa ku kala baahiyay miinooyinka dhulka iyo walxaha haraadiga dagaalka isla dhulka ay bulshadu ugu yeeraan gurigooda. Walxahan qarxa ayaa wali dilaya ama dhaawacaya kana hortaagan in ay helaan adeegyada aasaasiga ah oo uu daryeelka caafimaadku ku jiro, iyaga burburiya hab-nololeedka, muddo dheer ka dib marka uu dagaalku dhammaado.

Waxaa laga heli karaa meel walba – meelaha ay dadka ku badanyihiin, kuwa cidlada ah, dariiqyada yar yar iyo waddooyinka waaweyn. Inta badan macquul maahan in la arko ama waxay u ekaan karaan qashin ama biraha la tuuro oo aan dhibaatada lahayn. Intooda badana waa kuwo aan sugnayn, waxayna ku qarxi karaan dhaqdhaqaaqa ugu yar, oo ay ku jirto qof dul mara.

Bulshada Yuusuf, ma ahayn qof kaliya. Waxay ahaayeen todobo caruur ah oo dugsi u socda.

“Wuxuu isbitaalka ku jiray muddo afar bilood ah. Qalliin ayay ku sameeyeen waxayna ka saareen firirkii qaraxa. Lama tirin karin. Aaad ayay u badnaayeen,” aabihiis, Muxyidiin Cali, ayaa dib u xasuustay.

Yuusuf dhaawaca kuma waayin lugtiisa kaliya. Waxaa sal kacay qoyska oo dhan. Si ay ugu dhawaadaan daryeelka caafimaadka iyo adeegyada dhaqancelinta jirka ee uu baahnaa, waxay ku qasbanaadeen in ay Aadan Yabaal ka baxaan oo ay u guuraan xero barakacayaal oo ku taala Muqdisho halkaa oo ay magangelyo ka heleen.

Wadada bogsashada Yuusuf waa mid dheer. Afar bilood wuxuu ku jiray Isbitaalka Keysaney ee uu Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas – taageero, iyo sadex bilood oo kale oo walina socda oo uu ku jiro Xarunta Dhaqancelinta jirka Bisha Cas ee Soomaaliyeed oo Muqdisho ku taala, isaga socodka dib u baranaya.

Yuusuf aabihii waxa uu wadaa farriin la mid ah waajibaadka ku xusan xeerka caalamiga ah ee bini’aadamnimada ee saaran dawladaha iyo dhinacyada colaadaha: baaq ku aaddan yareynta khataraha iyo cawaaqibka soo gaari kara dadka rayidka ah.

“Caruurta ka fogee meelaha halista ah,” ayuu yiri. “Wacyigalin ka abuur bulshada dhexdeeda. Ka foojignow walxaha qarxa. Ka fogow waddooyinka wax lagu aaso.”

Laanqayrta Cas waxay bulshooyinka meelaha ay dhibbatadu ka jirto ku sugan kula talineysaa in aysan taaban, laadin, ama aysan faraha la galin aaladaha laga shakiyo, waxyaabaha ay arkaana masuuliyiinta ku wargaliyaan.
Si aad wax badan uga ogaato shaqadeena ku saabsan wacyigalinta khatarta iyo dhaqammada badbaadada leh ee la xiriira miinooyinka dhulka iyo haraadiga dagaalka, halkan ka eeg hagaha dhinacyada badan: Walxaha Qarxa