Nairobi (ICRC) – Tan iyo markii ay rabshaduhu ka qarxeen magaalada Laas caanood ee Gobolka Sool, bilowgii bishii Feberaayo, ugu yaraan 150 qof ayaa lagu dilay halka ay boqolaal kalena ku dhaawacmeen. Waxaa lagu qiyaasay in in ka badan 185,000 oo qof ay ku barakaceen. Qoysaska badankooda ayaa waxa ay ku noolyihiin xerooyinka barakacayaasha ee ku yaala magaalooyinka u dhow ee Kalabaydh, Xudun iyo Taleex. Kuwo kale ayaa iyana u qaxay magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer iyo magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal. Mowjadda barakaca ayaa imaneysa ka dib mid ka mid ah abaarihii ugu xumaa ee gobolka soo mara.

Guddiga Caalamiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) ayaa ka jawaabayay baahida bini’aadamnimo oo ay rabshaduhu sababeen, iyaga oo ku baaqaya in la isxakameeyo lana helo gaaritaan aan xanibaad laheyn ee dadka ay colaaduhu saameeyeen.

Bilowgii rabshadaha, ICRC waxa ay lix isbitaal oo ku yaala Laas Caanood iyo deegaanada u dhow u dirtay, agabka qaliinka oo ku filan in lagu daweeyo in ka badan 400 oo bukaan oo dhaawac ah. Waxa ay sidoo kale gaarsiisay qeybta aambalaasta SRCS lix xirmo oo ah qalabka dhaawaca lagu duubo iyo 38 ah xirmooyinka gargaarka deg-degga ah si loogu daweeyo dadka dhaawaca ah. Mudnaanta cusub ayaa ah dhibaatada qoysaska ay rabshaduhu xididada u siibeen.

Ilaa hadda, ku dhawaad 4,000 oo ah qoysas barakacayaal ah ayey ICRC-du u diiwaangalisay in la siiyo kaalmo lacageed.

“dadku waxa ay si daran ugu baahanyihiin cunto iyo biyo. Waa wax aad looga naxo in aad aragto hooyooyin iyo caruur yaryar ah oo isku dayaya in ay ku badbaadaan cimiladan aadka u adgag,” ayuu yiri Merick Alagbe oo kormeera howlaha ICRC-da ee aagaas.

Iyada oo ay colaaddu muddo bil ah socoto, ayey ICRC iyo SRCS waxa ay fuliyeen howlaha soo socda:

  • Lix isbitaal ayaa la gaarsiiyay agabka qaliinka, oo ku filan in lagu daweeyo 400 oo bukaan oo qaba dhaawacyo colaadda ka soo gaaray. ICRC-da ayaa sidoo kale gaarsiisay lix xirmo oo ah agabka dhaawaca lagu duubo bukaano qaba dhaawacyo aan aad u darneyn, halka Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed uu helay 38 ah qalabka gargaarka deg-degga ah.
  • Afar aambalaas, oo ay u dhanyihiin darawalladii iyo mutadawiciinta SRCS, ayaa la howlgaliyay si ay bukaanada isbitaal u gaarsiiyaan. Ilaa hadda, ku dhawaad 700 oo dhaawac ah ayaa la siiyay daweynta isbitaalka ka hor, caawimaad iyo in loo gudbiyo heerka xiga ee daryeelka.
  • Koox qaliin iyo qeybta aambalaasta oo ka socda Muqdisho iyo Gaalkacyo sida ay u kala horeeyaay, ayaa la geeyay si caawimaad dheeri ah loogu fidiyo adeegga caafimaadka
  • Ku dhawaad 4,000 oo qoys oo ku nool xeryaha qaxootiga oo ku yaala tuulooyinka Kalabaydh, Dhagax Isgurow, Xidhxidh, Dhumay Dharkayn ayaa heli doona laba wareeg oo ah $110 labada bilood ee soo socda.
  • 54 wicitaano taleefan oo bilaasha ah ayaa iyada oo la kaashanayo SRCS la siiyay dadka dhaawaca ah ee jira afarta isbitaal ee waaweyn ee magaalada Garoowe. 18 wicitaan ayaa sidoo kale la siiyay bukaanada dhaawaca ah eek u jira isbitaalka Kalabaydh, ee magaalada Laas Caanood.
  • Ku dhawaad 2,300 oo wicitaano taleefan oo bilaash ah ayaa la fududeeyay si loo soo celiyo loona ilaaliyo xiriirka qoyska ee dadka barakacayaasha ah eek u jira 28 ka mid ah xerooyinka barakacayaasha eek u yaala Garoowe.
  • 18 ah codsiyada raadraaca ah ayaa laga ururiyay dadka barakayaasha ah eek u dhaqan xerooyinka barakacayaasha gudaha eek u yaala Garoowe iyo 8 codsiyadaas ah oo iyana lag ururiyay Kalabaydh.
  • ICRC-da ayaa dabagal ku sameyneysa 19 kiis oo dadka la sheegay in la xiray si ay u ogaato halka ay ku danbeeyaan ee xabsiyada ay hey’addu booqato.

Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan la xiriir:

Abdikarim Mohamed, ICRC Somalia, tell:  +254 770 171 756, mabdikarim@icrc.org

Alyona Synenko, ICRC Nairobi, tell: +254 716 987 265, asynenko@icrc.org

La soco ICRC-da  facebook.com/icrc,  twitter.com/icrc iyo instagram.com/icrc