Nairobi (ICRC) – Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) waxa uu ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh rabshadaha ka socda Laascaanood in ay damaanad qaadaan sidii si ammaan ah oo aan xanibaad laheyn loogu gaari lahaa dadka ay iskudhacyada hubeysani saameeyeen. Dhowr todobaad oo rabshado isdaba joog ah ayaa sababay dhimashada 150 qof iyo dhaawaca in ka badan 600, halka ay kumanaan kalena xaalado adag galeen ka dib markii ay guryahooda ka qaxeen. 

 “Dadka Laascaanood waxa ay si deg-deg ah ugu baahanyihiin kaalmo bini’aadamnimo, waxaana sida ugu dhaqsiyaha badan ugu dhaqaaqeynaa sidii aan ku gaarsiin laheyn,” ayuu yiri Juerg Eglin, madaxa ergada ICRC-da Soomaaliya. “Muranka siyaasadeed waa in uusan caqabad ku noqonin badbaadinta nafta.” 

ICRC oo u kaashaneysa Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) ayaa taageero u fidinayay isbitaallada gudaha si loo soo qaado oo loo daweeyo dadka dhaawaca ah. Si kastaba ha haatee, waxaa loo baahanyahay dad iyo agab si looga jawaabo baahida bini’aadamnimo ee sii kordheysa. 

Iyada oo ay ICRC-du kor u qaadeyso in ay xaaladda ka jawaabto, ayaa waxaa jira qoraalo baraha bulshada wareegaya oo dhiirrigalinaya xayiraadda gargaarka naf-badbaadinta ah.  

 “Faafidda macluumaad khaldan ayaa saameyn muuqata oo halis ah ku yeelan karta ammaanka kooxaheena iyo awoodeena ka jawaabidda baahida deg-degga ah,” ayuu yiri Merick Alagbe oo kormeera howlaha ICRC-da ee aagaas. “Dhammaan kooxaheena ayaa iyaga oo aad u ilaalinaya dhexdhexaadnimada waxa ay ka wadshaqeynaya sidii loo hubin lahaa in ay caawinaadu gaarto Laascaanood.” 

 Isla markii ay rabshaduhu bilaabmeen, ICRC-du waxa ay lix isbitaal oo Laascaanood ku taala u dirtay agabka qaliinka, oo ku filan in lagu daweeyo in ka bada 400 oo bukaan. Waxa ay sidoo kale gaarsiisay SRCS afar xirmo oo ah qalabka dhaawaca lagu duubo oo ka dhigan jawaab-celintii ugu horreysay si loogu daweeyo bukaanada. Iyada oo kaashaneysa Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed, ayey ICRC-du waxa ay howlgalineysaa koox qaliin iyo qeybta gurmadka aambalaasta oo ka kala socda Muqdisho iyo Gaalkacyo si caawinaad dheeri ah loogu fidiyo adeegyada caafimaadka. Koox ka tirsan shaqaalaha ICRC ayaa hadda ku sugan Laascaanood iyaga oo qiimeynaya baahida bini’aadamnimo ee dadka ay rabshaduhu saameeyeen.

Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan la xiriir:

Abdikarim Mohamed, ICRC Somalia, tell:  +254 770 171 756, mabdikarim@icrc.org

Alyona Synenko, ICRC Nairobi, tell: +254 716 987 265, asynenko@icrc.org

Follow the ICRC on instagram.com/icrc_somalia/  and twitter.com/icrc