Nairobi (ICRC) – In ka badan 150,000 oo ay qoys, oo u badan koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa helay lacag ku filan oo ay raashin ku iibsadaan muddo bil ah, oo ah tan ugu horreysa lacago la bixiyo bil kasta oo loogu talogalay in gargaar deg-deg ah lagu gaarsiiyo dadka ay abaarta ba’an ee dalka ku dhufatay guryahooda ka barabixisay.

Qoys kasta waxaa la siiyay $90 doolar si uu u daboolo kharashka cuntada ama waxyaalaha kale ee daruuriga ah, iyada oo loo marsiiyay barnaamij uu maamulo Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas lacagtaas oo dhan $13 malyan oo doolar ilaa hadda.

Markii aan lacagta helay, $50 doolar oo ka mid ah ayaan dukaan yar ku furtay. Lacagta inta soo hartay caruuteyda ayaan cunto ugu iibinayaa”, ayuu yiri Daahir Axmed Aadan, oo labadii bil ee la soo dhaafay ku noolaa xerada barakacayaasha Shiila gaduud  “Waxaan gobolka Bakool ka tagay ka dib markii aan xoolaheygii abaarta ku waayay. Muddo sadex sano ah ayaa roob la waayay, sidaas awgeed ayey xoolihii dhammaanba le’deen.”

Abaarta ayaa socotay afar xilli roobaad oo is xig-xigay, iyada oo saameynta dhaqaale oo ay ku yeelatay bulshooyinka nugul ay uga sii dareen colaadda hubeysan ee dabada dheeraatay iyo qiimaha cuntada iyo shidaalka oo sare u kacay. Ujeedada gargaarka lacageed ayaa ah in lagu caawiyo dadka ugu nugul si ay u badbaadaan deymahana isaga yareeyaan. “Bakool ilaa Beledwene gaariga deyn ayaan ku soo raacay. Deyntii darawalka ayaan u celiyay ka dib markii aan lacag ka helay ICRC ,” Daahir Axmed Aadan ayaa sidaa sharraxaad ku bixiyay.

Iyada oo lagu wado in roobka xiga uu da’o bisha Oktoobar, ayaa qoysaska ree miyiga, oo uu hab-nololeedkoodii meesha ka baxay, ay wadaan in ay u qaxaan magaalooyinka, iyaga oo rajo ka qaba in ay caawimaad ka helaan ehelladooda iyo kooxaha gargaarka. In ka badan 30,000 oo qof ayaa barakacay bishii Maajo, 100,000 bishii Juun, halka Luulyo la diiwaangaliyay 83,000, sida ay sheegeyso xogta Qaramada midoobay (UN). Laga soo bilaabo bishii Janaayo 2021, in ka badan hal malyan oo qof ayaa la rumeysanyahay in ay abaarta ku barakaceen.

Si dadka loogu caawiyo in ay sameystaan adkeysi ay ku wajahaan saameynta sii xumaaneysa ee dhibaatooyinka cimillada, ayey ICRC-du is-kaashatooyinka beeraha ku taageertaa tababar, abuurka adkeysiga u leh abaaraha, qalabka beeraha iyo lacag caddaan ah oo ay ku iibsadaan shidaalka loo baahanyahay si beeraha loo waraabiyo.

“Is-kaashatooyinku waxa ay fursad fiican u heystaan in ay badbaadaan xitaa inta lagu jiro abaartan”, ayuu Hasan Nuur, oo ah kahbiir dhinaca beeraha ah oo ka tirsan ICRC. “Dadku wey isu yimaadaan bulsho ahaan iyada oo haddii la dhiirrogaliyana, ay adeegsadaan awoodooda iyaga oo natiijo fiican dhaliya.”

ICRC-du waxa ay sii wadi doontaa in ay gargaar lacageed gaarsiiso dadka dagan meelaha ay colaaduhu saameeyeen ee Soomaaliya, iyada oo sidoo kalena dayactiri doonta ceelasha. Bulshooyinka ku nool meelahan ayaa sidoo kale sii wadi doona in ay ka faa’iideystaan adeegyada daryeelka caafimaadka aasaasiga ah iyo xarumaha caafimaadka ee guur-guura iyo helitaanka ilaalin iyo taageero.

For more further information, please contact:

Abdikarim Mohamed, ICRC Somalia, tell:  +254 770 171 756, mabdikarim@icrc.org

Alyona Synenko, ICRC Nairobi, tell: +254 716 987 265, asynenko@icrc.org

Follow the ICRC on instagram.com/icrc_somalia/  and twitter.com/icrc