Maanta, Dhaqdhaqaaqa Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas waxa uu u dabbaaldegayaa dadaalka, naxariista, dhiiranaanta iyo saameynta malaayiinta mutadawiciinta ah iyo kuwo kale oo aan tiro laheyn oo bixiya caawimaad, daryeel, iyo adeegyo naf-badbaadin ah oo ay siiyaan dadka bulshadooda.

Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) ama Bisha Cas, sida ay gudaha dalka caan uga tahay, ayaa bulshooyinka ku taageerayay gargaarka deg-degga ah, adeegyada deg-degga ah ee aambalaasyada, iyo adeegyada daryeelka caafimaadka oo laga bixiyo isbitaalladeeda iyo xarumaha caafimaadka, xarumaha dhaqan-celinta jirka. Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed waxa sidoo kale dib-ula-xiriiriyaa xubnaha qoysaska iyo dadka ay jeclaayeen ee ka maqan iyada oo la adeegsanayo barnaamijka soo celinta xiriirka qoyska (RFL). Dhammaan barnaamijyadan uu qabto Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed ayaa la dhaqangaliyaa iyada oo taageero laga helayo Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC).

Farriin lagu maamuumuusayo Maalinta Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas maanta, Madaxweynaha Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed, Yusuf Hassan Mohamed waxa uu yiri, “isaga oo adeegsanaya shabakadiisa oo ka kooban 19 laamood iyo mutadawiciin, Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed waxa uu ka jawaabay dhibaatooyin badan oo ka jira dalka oo ay ku jiraan Covid-19, abaar, colaad iyo fatahaado.”

“Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) waxa uu sanad kasta adeegyo kala duwan oo ku habboon baahiyaha maxalliga ah gaarsiiyaa in ka badan sadex milyan oo qof,” ayuu intaa ku daray.

Dhaqdhaqaaqa Laanqeyrta Cas iyo bisha Cas waxa uu ka koobanyahay Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas (ICRC), isku-dhafka Caalamiga ee Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas (IFRC), iyo 192 jamciyad Qarameedyo ah oo ay wehliyaan 14.9 malyan oo mutadawiciin ah. Waxaa la qiyaasayaa in  mid ka mid ah  524-kii qof ee dunida saaran uu yahay mutadawac ka tirsan Laanqeyrta Cas ama Bisha Cas.

Bisha Cas oo howsheeda ku jirta

Sanadkan, Ururka Bisha Cas ee Somaaliyeed waxa uu balaariyay adeegga deg-degga ah ee aambalaasta si loo gaarsiiyo magaalooyinka Laascanood iyo Gaalkacyo. Dadka u baahan adeegyada deg-degaa ah ee cafimaadka ee jooga Laascanood iyo Gaalkacyo waxa ay hadda wici karaan 936 iyo 383 sida ay u kala horeeyaan. Kani waa lambarka bilaashka ah oo 24 saac ah oo aad ka heli karto caawimaad caafimaad oo deg-deg ah.

Mogadishu – Wac 446

Laascanod – Wac 936

Galkacyo – Wac 383

Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed waxa uu caan ku yahay taageeradooda gargaarka deg-degga ah oo ay bulshada u fidiyaan. Kooxaha gargaarka deg-degga ah ee SRCS ayaa qeyb joogto ah ka noqday inta ay socdaan munaasabadaha maxalliga ah sida cayaaraha kubadda cagta ee la qabto dhammaadka todobaadka. 308 mutadawiciin ah ah ayaa la siiyay tababarro dhinaca gargaarka deg-degga ah sanadkan.

Isbitaalka Keysaneey ee ku yaala Muqdisho, ayaa sanadkan, u dabaaldegay sandguuradiisii 30aad. isbitaalka, oo uu maamulo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) oo taageero ka helaya Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC), ayaa markii ugu horeysay la furay sanadkii 1992, markaa oo ay dagaallada sokeeye ee Soomaaliya meeshii ugu xumeyd marayeen. ICRC-da ayaa u badashay dhismaha, oo markii hore xabsi ahaa, isbitaal kana soo buuxisay kooxo qaliimada sameeya kuwaas oo la tacaala dadka uu khasaaruhu ka soo gaaro dagaallada. Xarunta ayaa ilaa maanta la tacaasha dhaawacyad ka dhasha hubka.

Xarumaha caafimaadka iyo nafaqeynta

Maanta, Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed waxa uu ku leeyahay 26 xarun caafimaad koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, oo ay ku  jiraan labo guur guura. Xarumaha caafimaadka ayaa bixiya adeegyada daryeelka caafimaadka aasaasiga ah iyo nafaqeynta gaar ahaan dumarka iyo caruurta. Xanuunada ugu badan ee lagu daweeyo xarumaha ayaa ah nafaqo-darrada, huban biyoodka daran  (AWD), caabuqa ku dhaca neef-mareenka iyo jadeeco.

Xarunta dhaqan-celinta jirka

Bisha Cas waxa ay sidoo kale maamushaa sadex xarumood oo lagu sameeyo dhaqan-celinta jirka dalka oo dhan. Xarunta ugu weyn ayaa ku taala caasimadda Soomaaliya, Muqdishu, waxa ayna shaqeyneysay in ka badan 40 sano. Labada xarumood ee kale ayaa ku yaala Gaalkacyo iyo Hargeysa.

Caga-qallooca, oo ah xaalad dadka ku badan oo ay labada cagood ee ilmuhu soo qalloocanayaan, ayaa sidoo kale lagu daweeyaa xarumaha. Xarumuhu waxa ay bixiyaan fiiso-tarbiyo waxa ayna leeyihiin qolal farsamo halkaas oo xubnaha jirka ee macmalka ah lagu farsameeyo.

Soo celinta xiriirka qoyska

Qeyb muhiim ah oo ka tirsan shaqada Ururka Bisha Cas. Ururka Bisha ee Soomaaliyeed ayaa dib-u-xiriiriya qoysaska iyo kuwii ay jeclaayeen ee ka maqan. Shaqadan ayey qabtaan iyaga oo adeegsanaya barnaamijka Baafinta raadiyaha ee BBC-da, isdhaafsiga farriimaha Laanqeyrta Cas (RCMs) iyo bixinta adeegyo dhanka wicitaanka telefoonka ah si loo soo celiyo xiriirka.

48,296 oo wicitaano telefoon ah iyo 34,813  farriimaha laanqeyrta Cas ah ayaa la sidhaafsaday intii u dhaxeysay Janaayo iyo Maarso ee sanadkan.

Bayaanka maalinta Caalamiga ah ee Laanqeeyrta Cas iyo Bisha Cas ee uu soo saaray Madaxweynaha SRCS-ta