Iyadoo ay fooda nagu soo hayso bisha barakeysan ee Ramadaan oo ay soo dhaweynayaan Muslimiinta caalamka oo dhan ayaa Soomaaliya waxaa ka jirta abaartii ugu darneyd ee soo marta tobankii sano ee la soo dhaafay. Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC-da) Waxay ka jawaabaysaa baahiyaha degdega ah ee dadka iyadoo diiradda saareysa goobaha colaadaha ay saameeyeen, meelaha ay adag tahay in la gaaro iyo caawinta dadka aan ku xidhnayn adeegyada guud. Xoojinta baaritaanka nafaqeynta iyo dhismaha ceelasha biyaha — ‘hagaajinta degdegga ah’ – ayaa socota.

Maxaabiista ku xiran xabsiyada Soomaaliya ayaan laga tagin. Xabsiyada Hargeysa, Mandhera, Boosaaso iyo Garoowe, ICRC-da Waxay xaqiijisey in la gaarsiiyo caanaha, timirta, sonkorta, hilib ariga, misirta, xawaashka, yaanyada iyo saliidda, si maxaabiista ay ugu afuraan waxyaabo dheeraad ah oo ku jira liiska cuntada afurka – cunto ay ku afuraan maalin walba Ramadaanta markay qorraxdu dhacdo.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in ICRC-da ay bilaawday taageerada ay siiso xabsiyada bishan barakeysan. Taageeradu waxay timid wakhtigi ku habboonaa iyo tirada saxda ah ee alaabta. Tani waxay ka qayb qaadanaysaa fayoobida maxaabiista, gaar ahaan, inay helaan cunto ku habboon oo ay ku afuraan.” ayuu yiri mid ka mid ah maamulka xabsiga dhexe ee Boosaaso”.

Booqashada xabsiyada waa qayb muhiim ah oo ka mid ah shaqada ay ICRC-da ka qabato adduunka oo dhan. Maxaabiista waa in ay helaan daryeel bini’aadantinimo oo ay sharaf ku dheehantahay inta ay ku jiraan xabsiga, qoysaskuna waa in ay mar kasta ka war hayaan xaaladda eheladooda oo ay fursad u helaan in ay la xiriiraan oo ay booqdaan.

“Shaqada ICRC-da ee xabsiyada Soomaaliya waxay ujeedadeedu tahay in la hubiyo in dadka xorriyadda laga qaaday loola dhaqmo si sharaf iyo bini’aadantinimo ku dheehantahay. In maxaabiista la siiyo cunto dheeri ah gaar ahaan inta lagu jiro bishan Ramadaan waxay ka caawinaysaa maxaabiista inay si sharaf leh u soomaan.” ayay tiri Anike Doherty, Iskuduwaha Dhawrista ee ICRC-da.