Washington, DC (ICRC) – Ka dib 20 sano oo ay booqasho ugu tagayeen maxaabiista ku jirta xabsiga Guantanamo Bay, Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ayaa ku baaqaya in la dardargaliyo dadaallada ay dowladda Mareykanku waddo si loo wareejiyo dhammaan maxaabiista ay u arkaan in ay xaq u leeyihiin wareejinta iyada oo aan dib loo dhigeynin, oo sidoo kalena la ixtiraamayo badqabkooda iyo fursadaha ay u heli karaan in ay bulshada dib-u-dhexgalaan.

ICRC-du waxa ay aad uga walaacsantahay in dadka ku haray Guantanamo Bay ay xiranyihiin sanado badan iyada oo aysan cadeyn waxa ku dhici doona. ICRC-du waxa ay ogtahay in qaar ka mid ah maxaabiistu ay maanta wali ku jiraan Guantanamo Bay in kasta oo ay jirto in horay loo caddeeyay in ay xaq u leeyihiin wareejinta muddo ka badan toban sano ka hor.

“Maxaabiista ay dowladda Mareykanku u aragto in ay xaq u leeyihiin waa in maanta la wareejiyaa,” ayuu yiri Patrick Hamilton, madaxa ergada ICRC ee Mareykanka iyo Canada. “Ka dib 20 sano iyo in ka badan 100 booqasho, waxaan arkeynaa in waqti kasta oo xabsiga ku dhaafa maxaabiistan, uu dhibaatada ku kordhiyo iyaga iyo qoysaskoodaba. Sababta bani’aadamnimo ee loogu suurogalinayo in ay baxaan kuwa la fasaxay ayaa ah mid muuqata, iyada oo ay ka sii daranyihiin kuwa bixitaankooda dib loo dhigayay mudada dheer.”

ICRC, oo ah urur bani’aadamnimo, madaxbanaan, oo dhexdhexaad ah, ayaa waxaa awood u siinaya Axdiyadii Jineefa ee 1994 in ay booqdaan maxaabiista dagaalka si ay u qiimeeyaan xaaladaha xabsiga iyo sida daka loo la dhaqmo. Waxa aan howshan ka qabanaa in ka badan 90 dal iyo deegaan oo adduunka dhan ah. Kooxaha ICRC-da waxa ay si qarsoodi ah u la wadaagaan walaacooda iyo talooyinkooda saraakiisha xabsiyada iyo mas’uuliyiinta dowladaha iyada oo uu ujeedkoodu yahay hubinta ixtiraamka sharafta iyo caafimaad-qabka maxaabiista iyo in ay xaaladaha xabsigu waafaqsanyihiin shuruucda iyo heerarka caalami ahaan la aqoonsanyahay.

ICRC-da ayaa markii ugu horreysay booqatay Guantanamo Bay 18-ka Janaayo, 2002. Waxa aan si gaar ah u la kulanaa maxbuus kasta oo doonaya in uu nala kulmo, haddii ay noo ogolaadaanna, waxaan walaacooda ka la hadalnaa mas’uuliyiinta Mareykanka. ICRC-du waxa ay sidoo kale fududeysaa xiriirka maxaabiista iyo qoysaskooda iyada oo la adeegsanayo waraaqo, wicitaan taleefoon iyo xiriirin muuqaal ah, arintan oo ah adeeg bani’adamnimo oo aasaasi ah.

Waxaa si adag innooga go’an shaqadeena ah in aan arrimahan ka qeybgalino mas’uuliyiinta xabsiga, oo ay ku jirto arinta daryeelka dadka da’da ah, iyo isku xirka maxaabiista iyo qoysaskooda. Waxa aan ka shaqeynay in aan wadahadal wax ku ool ah, oo wax dhisaya oo ku saabsan Guantanamo Bay  la yeelano dowladda Mareykanka, innaga oo rajeyneyna in ay arintani siisocoto.

Si aad macluumaad dheeri ah u hesho, fadlan la xiriir:
Elizabeth Shaw, ICRC Washington, D.C., at eshaw@icrc.org, or +1 202 361 1566
Jason Straziuso, ICRC Geneva, jstraziuso@icrc.org, or +41 79 949 3512