Bosasaso (ICRC/SRCS) – Guddiga Caalamiga ee Laan-qayrta Cas (ICRC) iyo Ururka Bishha Cas ee Soomaaliyeed waxay ugu baaqayaan dhinacyada ku dagalaamaya Boosaso in ay muujiyaan is xakamayn isla markaasna xaqiijiyaan in la dhawray bedqabka dadka aan qaybta ka ahayn qalalaasaha, si waafaqsan xeerarka caalamiga ah ee khuseeya iyo mabaa’di’da bini’aadantinimada.

Tirada dhimashada iyo wax ka badan 30meeyo dhaawac ah, badankood waxay ahaayeen shaqsiyaad aan ka qayb qaadanaynin isku-dhaca. Hay’adda Laan-qayrta Cas (the ICRC) waxay daawo u daabushay saddex cisbitaal si ay uga caawido in baahiyaha daawada si deg degga ah looga jawaabo. Kooxda mutadawiciinta gargaarka deg degga oo ah 15 ka tirsan ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) ayaa si dhakhso leh uga jawaabayay baahiyaha dhaawacyada.

“Dadku waxay gurayanaan miraha dhibaatada ka dhalatay qalalashan oo ah wax aan la aqbali karin. Waxaan jeclaan lahayn in aan dhinacyada qaybta ka ah qalalaasaha xasuusinno in ay si weyn niyadda ugu hayaan dadaka ay dhibtu saamaysay. Waa in dadka la ilaaliyo. Waana in dadka loo turo,” ayuu yiri Juerg Eglin, Madaxa Ergada Soomaaliya ee hay’adda Laan-qayrta Cas (ICRC).

Dadkii degganaa Boosaso waxay u qexeen tulooyinka ku dhow magaalada kadib markii iska hor-imaadyo ka dheceen aagga saldhiga Ciidamada Difaaca Puntland. Ganacyisadii iyo jidadkii magaalada ayaa sidoo kale iyana xirmay.

 Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah la xiriir:

Anisa Hussein Dahir, Communication Officer, +254 708 797 750, anisah@icrc.org

Abdirahman Mohamed, Communication Officer, +252 907 791 293, abmohamedabdullahi@icrc.org

Kala soco ICRC-da:  facebook.com/icrc iyo twitter.com/icrc