Tobaneeyo qof ayaa dhaawac iyo dhimasho ka soo gaartay dagaalladii dhawaan ka dhacay magaalada Guri-ceel ee gobolka Gal-gaduud Soomaaliya, isbitaal ayaa ku burburay ka dib markii uu dab qabsaday halka mid kalena ay waxyeello ka soo gaartay madaafiic ku dhacday. Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) ayaa ugu baaqaya dhinacyada dagaalamaya in ay is-xakameeyaan oo ay ixtiraamaan isbitaallada iyo shaqaalaha caafimaadka.

In ka badan 100,000 oo ka mid ah dadkii ku noolaa magaalada Guri-ceel ayaa u qaxay tuulooyinka dariska la ah ka dib dagaal ku dhexmaray Ciidamada Qalabka sida iyo Ahlu Sunna Waljamaaca (ASWJ) Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, taa oo culeys ku ah kheyraadka tuulooyinka ku dhow oo markii horeba liitay. Qoysaska ku barakacay rabshadaha ayaa waxaa xadidan fursadaha ay ku heli karaan hooy, cunto iyo daryeel caafimaad iyada oo ay ICRC-du xasuusineyso kuwa ku lugta leh rabshadaha in ay lama huraan tahay ilaalinta nafta dadka, guryahooda iyo hab-nololeedkooda.

“Madaafiic aad u xooggan ayaa waxyeello u geystay dhismayaal dhowr ah, oo uu ku jiro isbitaalka ugu weyn Guri-ceel ee Istarliin, iyada isbitaalka Kulmiye Community uu gabi ahaanba burburay ka dib markii uu dab qabsaday. Xarumaha caafimaadka waxaa loogu talogalay in lagu daweeyo dhaawacyada labada dhinacba mana aha in la weeraro,” ayuu yiri Maxamed Sheekh, oo ah kormeeraha howlaha ICRC ee aaggaas.

Isbitaallada ayaa xiran ka dib markii ay waxyeello ka soo gaartay madaafiicda iyada oo ay dhaawacyada labada dhinac ay la daalaa dhacayaan sidii ay ku heli lahaayeen daaweyn ay aad ugu baahanyihiin.

“ Dhinacyadu waa in ay u ogolaadaan dadka dhaawaca ah in ay gaaraan xarumaha caafimaadka, iyada oo aanan loo eegin cidda ay yihiin. Waxaa sidoo kale waajib ku ah in ay fududeeyaan gaarsiinta qalabka caafimaadka,“ ayuu yiri Juerg Eglin, oo ah Madaxa Ergada ICRC ee Soomaaliya.

ICRC-da, iyada oo kaashaneysa Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) waxa ay nidaamyada caafimaadka labada dhinacba ku taageertaa qalab caafimaad, oo ay ku jiraan xirmooyinka dhaawaca hubka, xirmooyinka dharka iyo bacaha meydka. Intaa waxaa dheer, dadaallada socda ee lagu bixinayo biyaha iyo daryeelka caafimaadka guur guura ee loo sammeynayo qoysaska ay dhibaatadu gaartay iyo kuwa barakacay.