Jineefa 22 Juun 2021 – Qeybta bani’aadamnimada ayaa door muhiim ah ka cayaareysa wax ka qabashada dhibaatooyinka cimillada iyo deeegaanka ee saameynaya nolosha dadka iyo hab-nololeedka adduunka oo dhan maalin kasta. Tan ayaa macneheedu yahay in dhaqan galin la sameeyo marka laga hadlayo in la dhexgaliyo hababka wanaagsan ee cimillada shaqadeeda iyo in la cagaariyo howlaheeda.

Dhaqdhaqaaqa Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas ayaa ku casuumaya dhammaan ururrada samafalka in ay saxiixaan Axdiga Cimillada iyo Deegaanka ee ururrada samafalka, oo ay horey u qaateen 25 urur ilaa markii la bilaabay bil ka hor.

Axdiga, oo looga dan leeyahay in lagu kobciyo ka go’naasho adag oo ku saabsan wax ka qabashada cimillada ee dhammaan bulshada bani’aadamnimada, ayaa loogu talo galay dhammaan ururrada samafalka – mid yar iyo mid weynba. Waxaa diyaariyay Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo isku dhafka Caalamiga ah ee Jamciyadaha Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas (IFRC), oo ay taageerayaan guddi la talin ah iyo la tashiyo lala yeelanayo qeybaha bani’aadamnimada. Axdigan waxa uu ujeedkiisu yahay hagidda qaabka ay qeybta bani’aadamnimadu u wajaheyso halista sii kordheysa ee ka dhalata is-badalka cimillada iyo wax ka qabashada kaarboonkeeda iyo saameynta ay ku yeelaneyso deegaanka.

“Is-badalka cimilladu waa halis jirta oo ku wajahan bani’aadamnima, qeybta bani’aadamnima oo dhan ay ku qasbantahay in ay si dhaba u qaadato. Bulshooyinka adduunka oo dhan oo ay cimilladu saameeyeen waxa ay fahamsanyihiin baaxadda halista, sidoo kale mutadawiciinta Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas iyo shaqaalaha la shaqeeya maalin walba iyana wey fahamsanyihiin. Howl badan ayaa loo baahanyahay in la qabto si loo yareeyo halista ay bulshadu wajaheyso, si looga caawiyo in ay dhisaan adkeysigooda oo ay la qabsadaan dhibaatooyinka cimillada iyo in la hubiyo in ururrada samafalku ay yareynayaan saameynta ay ku leeyihiin deegaanka,” ayuu yiri Mr Jagan Chapagain, xoghaya guud ee IFRC-da.

Cimillada maanta iyo dhibaatooyinka deegaanka ayaa saameeya dhammaan dhinacyada nolosheena, laga billaabo caafimaadka jireed iyo kan maskaxeed ilaa cuntada, biyaha iyo sugnaanta dhaqaalaha. Inkasta oo ay dhibaatooyinku saameynayaan qof walba, kuwa ay sida daran u saameeyaan ayaa ah kuwa ugu saboolsan uguna liita, oo ay horeba awooddoodu u liidatay dhibkana aan gacan weyn ku laheyn. Xaaladuna waa ay ka sii dareysaa.

“Ma heysano waqti aan lumino. Waxaa mas’uuliyad innaga saarantahay in aan isku imaano, si aan u xoojino qibraddeena una abuurno jawaabo ku filan dhibaatooyinka cimillada iyo deegaanka. Isku biirinta awoodaha ayaa ah mid aad muhiim u ah haddii aan dooneyno in aan yareyno saameynta ay ku leeyihiin dadka ugu nugul,” ayuu yiri agaasimaha guud ee ICRC Robert Mardini.

Is-badal xoog leh ayaa deg-deg loogu baahanyahay si looga hortago dhimasho iyo dhibaato kale. Falanqeyn ay sameysay IFRC[1] ayaa lagu ogaaday in 97.6 milyan oo qof ay saameeyeen musiibooyin la xiriira cimillada iyo hawada sanadkii 2019. Ilaalinta nolosha iyo xuquuqda jiilka hadda iyo kuwa mustaqbalka waxa ay ku xirantahay tallaabo siyaasadeed oo lagu yareynayo gaaska hawada lagu siidaayo, laguna joojiyo xaalufinta deegaanka, iyo in lala qabsado dhibaatooyinka soo badanaya.

Dhibaatooyinka cimillada ayaa saameyn ku leh howlaha bani’aadamnimada ee adduunka oo dhan, sidaas darteed waa in aan kordhinaa dadaalkeena wadajirka ah ee aan wax uga qabaneyno caqabadan. Shabakad ahaan, Golaha Guud ee 18aad ee ICVA, waxa aan ku saxiixnay Axdiga Cimillada iyo Deegaanka ee Ururrada Bai’aadamnimada. ICVA waxa ay dadka kale ku dhiirri galineysaa in ay si wadjir ah u saxiixaan isla markaana u dhaqan galiyaan maadaama awoodeena iskaashi ay tahay awoodeena istiraatiji ahaan ugu muhiimsan,” ayuu yiri Ignaci Packer, Agaasimaha fulinta, Golaha Caalamiga ah ee Hey’adaha Mutadawiciinta ah (ICVA).

Axadiga Cimillada iyo Deegaanka ee Ururrada Bani’aadamnimada waa dukuminti ay sameeyeen oo ay leeyihiin Ururrada Bani’aadamnima, oo loogu talogalay in uu ka caawiyo in ay kaalintooda ka cayaaraan isla markaana ay muujiyaan sida ay ugu habboon yihiin wax ka qabashada dhibaatooyinka cimillada iyo deegaanka.

Dhaqdhaqaaqa Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas waxa uu hiigsanayaa in uu ururiyo tiro badan oo saxiix ah ka hor Shirka Is-badalka Cimillada ee Qaramada Midoobay (COP26) bisha November 2021 si loo muujiyo dadaalka adag ee ay bulshada bani’aadamnimadu ugu jirto kor u qaadista jawaabta dhibaatooyinka cimillada iyo deegaanka.

Axdigu waxa uu u furanyahay in la saxiixo halkan.

Xusuusin Tifaftireyaasha

Axdiga waxaa loo sameeyay bulshada bai’aadamnimada, waxaana sameeyay bulshada bani’aadamnimada, iyaga oo taageero ka helaya Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo isku dhafka Caalamiga ah ee Laanqeyrta iyo Bisha Cas (IFRC), iyo guddiga la talinta oo isu keenaya qubarada cimillada, deegaanka iyo bani’aadamnimada. Axdigan waxaa hagaya caddeynta sayniska ugu danbeeyay iyo ujeedooyinka Heshiiska Paris, Qaabdhismeedka Sindai ee yareynta halista musiibooyinka iyo Yoolalka Horumarka Waara, iyo sidoo kale xeerarka iyo heerarka kale ee caalamiga ah ee la xiriira, oo ay ku jiraan sharciga caalamiga ee xuquuqda aadanaha, sharciga caalamiga ee bani’aadamnimada iyo sharciga caalamiga ah ee deegaanka.

Waajibaadka todobada ah ee Axdiga waa:

  1. Waxa aan kor u qaadeynaa jawaabta aan ka bixineyno baahida sii kordheysa ee bani’aadamnimada iyo taageerada kuwa halista ugu jira saameynta cimillada iyo dhibaatooyinka deegaanka (la qabsiga, yareynta halista musiibada iyo tallaabada saadaalinta)
  2. In la kordhiyo sii jiritaan shaqadeena deegaanka isla markaana la yareeyo wasaqda hawada lagu sii daayo
  3. In la soo dhaweeyo hogaaminta dhinacyada gudaha iyo bulshooyinka : howsheena waxaa hagi doona hogaaminta iyo qibradda dhinacyada iyo bulshooyinka gudaha.
  4. In aan kordhino awooddeena si aan u fahamno qataraha cimillada iyo deegaanka oo aan u abuurno xal ku saleysan cadedeyn
  5. In qeybta bani’aadamnimada iyo meel ka baxsanba si wadajir ah looga shaqeeyo wax ka qabashada cimillada iyo deegaanka
  6. In aan saameynteena u adeegsano abaabulka waxqabad deg-deg ah oo dhinaca cimillada ah iyo ilaalinta deegaanka
  7. In aan sameysano bartilmaadmeedyo oo aan cabirno horumarkeena inta aan ku jirno fulinta waajibaadka.

ICRC iyo IFRC waxa ay labaduba qaateen bartilmaameedyo la taaban karo iyo wadadii lagu hirgalin lahaa

[1] IFRC World Disasters Report 2020: Come Heat or High Water