Ku dhowaad laba bilood ka dib iskahorimaadyadii ka dhacay magaalada Beled Xaawo bishii Jannaayo, kumanaan ayaa weli sii ah kuwa ku barakacay xeryaha iyo tuulooyinka ku dhow, taas oo culeys ku ah xeryaha iyo bulshooyinka dhaqaalahoodu yar yahay. Dhowr degmo oo ka tirsan gobolka ayaa horayba ay ugu dhufatay biyo la’aan daran.

Sidaa darteed, seddexdii usbuuc ee la soo dhaafay, biyo dhaaminta uu sameeyay Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) waxay ahayd mid aad ugu baahnaayeen oo ay ku diirsadeen qoysaska ku nool 12 tuulo oo deriska ah oo taageeraya 7,500 oo barokacayaal ah iyo qoysaskii martida loo ahaa. Qalabka ceelka gacanta lagu qoday, matoorrada biyaha, iyo matoorro dhaliya ayaa sidoo kale la siiyay. Farriimaha nadaafadda ayaa sidoo kale lala wadaagay dadka deegaanka iyo sidoo kale tababar ku saabsan koloriin-biyoodka.

Maalmaha soo socda, ku dhowaad in ka badan 10,000 oo qoys oo ku nool magaalada Beled Xaawo iyo 21 tuulo oo ku hareeraysan ayaa heli doona gargaar lacageed si ay u daboolaan baahiyahooda degdegga ah, ugana caawiyaan inay dib cagahooda ugu istaagaan, halka kooxda Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) ee Soo Celinta Xiriirrada Qoyska (RFL) ay bixinayan adeegyada wicitaanka taleefanka ee saddex xero si ay ugu suurta gasho qoysaska barakacayaasha inay la xiriiraan eheladooda ayna is dhaafsadaan wararka iyo macluumaadka.

Kumanaan qoys oo ku noolaa magaalada Beled Xaawo ayaa u qaxay tuulooyinka deriska la ah ka dib isku dhacyo dhacay bishii Janaayo. Guddiga caalamiga ah ee laanqeyrta (ICRC) wuxuu siiyay isbitaalada iyo meelaha lagu daaweeyo dhaawacyada lana geeyo dadka dhintay qalab caafimaad oo si deg deg loogu baahnaa iyo agab, oo ay kujirto daawo, xirmooyin loogu talo galay dhayida  dhaawacyada, iyo agabka loo xidho maareeynta  meydadka.

 

 

24 taangi ayaa lagu rakibay 12 tuulo oo ay soo food saartay biyo la’aan daran. Biyo dhaaminta ayaa socotay todobaadyadi la soo dhaafay iyadoo biyo nadiif ah la siinayo in ka badan 45,000 oo qof.

 

 

 

 

Kooxo ka socda Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) oo dhiirigelinaya dhaqanka nadaafadda ee magaalada Belet xaawo . Mutadawiciinta Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) ayaa ku biiri doona si ay u sii faafiyaan macluumaadka.

 

 

 

In ka badan 3,000 oo qoysas barakacayaal ah ayaa adeegsan kara adeegyada wicitaanka taleefannada si ay ula xiriiraan qoysaskooda magaalada iyo dibaddaba.