Sare u kac xagga tirada xaaladaha nafaqo-darrada carruurta ayaa lagu arkay xarumaha caafimaadka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS), gaar ahaan Beledweyne, Guriceel iyo Baydhabo. Sare u kaca qiimaha cuntada iyo luminta dakhliga ee uu keenay COVID-19 ayaa sare u qaadaya cabsida laga qabo in cunno yaraanta iyo nafaqo darrida ay kusii kordhayaan dalka.

Faadumo Xasan oo 32 jir ah waa hooyo leh lix carruur ah. Waxay soo booqaneysay rugta caafimaadka iyada iyo gabadheeda hal sano jirka ah, Sumaya Cabdi, oo la ildaran nafaqo-xumo ba’an. Waxay ka lugeysaa xero barakac oo ku taal duleedka magaalada baydhabo si ay gargaar uga hesho rugta caafimaadka. Sumaya waxay daryeel ka heleysay barnaamijka bukaan socodka muddo afar todobaad ah waxaana lasiiyay Plumpy’s Sup oo ah nafaqo dheeri ah.

“Anigaa reerkeyga biilka usoo dhiciya. Maalmaha qaar waxaan helaa shaqooyin yaryar, kuwa kalena ma helo, marba waa si. Mararka qaar ma haysto wax lacag ah oo aan cunno ugu iibiyo qoyskayga. COVID-19 ayaa adkeeyey helitaanka shaqooyin iyo lacag cunto lagu iibsado” ayay tiri.

Sida Faadumo oo kale, hooyooyinka heysta carruurta ay nafaqo-xumadu hayso ayaa ku qulqulaya rugta caafimaadka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) ee magaalada Baydhabo oo kamid ah meelaha yar ee aagga katirsan ee lagu daweeyo nafaqo-darrada.

“Waxaan aragnay tiro badan oo xaalado nafaqo-darro ah bilihii la soo dhaafay. Tani waxaa sababay qiimaha badeecadaha oo sare u kacay iyo in qoysaska danyarta ah ee dakhligoodu hooseeyo ama aan dakhli soo galinba aysan awoodin inay iibsadaan cunno” ayuu yiri Mukhtaar Maxamed, oo ah madaxa kalkaaliyayaasha caafimaadka ee xarunta caafimaadka.  cel celis ahaan bishiiba 180 carruur ah oo kayar shan sano iyo 75 haween uur leh iyo kuwa nuujinaya  ayaa u yimaada la talin rugta caafimaadka.

Guddiga caalamiga ah ee lanqeerta cas (ICRC) iyo Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) ayaa ballaariyey daboollida nafaqada 75% iyada oo loo marayo kordhinta barnaamijyada quudinta dheeriga ah ee 8 rugo caafimaad iyo lix 6 xarumaha wareega ah ee bartilmaameedka barnaamijka quudinta dheeriga ah.  In ka badan 20,000 oo carruur ah oo kayar shan sano jir kuwaas oo ay nafaqo-xumo hayso iyo in ka badan 7,000 oo haween uur leh iyo kuwa nuujinaya isugu jira ayaa lagu daaweeyey iyadoo la adeegsanayo Plumpy’s Sup ama buskudka nafaqeynta iyo Super cereal plus oo ah mushaari ka kooban galley shiidan, saliidda soy, sokor iyo caano boore, marki la barbar dhigo 11,900 ee sannadka 2019 oo dhan la daweeyey.

Waxey u badan tahay in tirada xaaladaha nafaqo-darrida ay sii socon doonto inay kor u kacdo bilaha soo socda maadaama waddanku wali la daalaa dhacayo rabshado, iska hor imaadyo, daadad iyo ayax kuwaas oo ay usii dheertahay dhibaatooyinka COVID-19.