Tan iyo markii Soomaaliya laga soo sheegay kiiskii ugu horeeyey ee COVID-19, xarumaha caafimaadka ee dalka waxay ka jawaabeen cudurka, ayagoo daryeel caafimaad u fidiyey kuwa halista u ah jiro, iyo sidoo kale in si adag loogu shaqeeyn lahaa sidii loo dajin lahaa talaabooyin looga hortagayo faafitaanka Fayriska, sida baaritaanka heerkulka iyo goobaha gacmo mayrida iyo meelaha laga soo galo, habaynta nidaam kala sooca si loo hubiyo in kiisaska la tuhunsan yahay si dhakhso ah loo karantiilo, loona gudbiyo bulshada macluumaadka muhiimka ah.

Todobaadyadii la soo dhaafay, hoos u dhac ku yimid kiisaska COVID-19 ayaa la arkay. Wareysiga, Dr. Axmed Maxamed, agaasimaha Isbitaalka Keydsaneey ee Muqdisho wuxuu ku dhiiri galinayaa bulshada inay sii wadaan u fiirsashada talaabooyinka ka hortaga ee ay ku difaacaan naftooda iyo kuwa ku hareeraysanba inkastoo ay yaraadeen tirada kiisaska, wuxuu ku waaniyaa dhammaan xubnaha bulshada inay booqdaan xarumaha caafimaadka haddii qofku la kulmo calaamadaha COVID-19 sida madax-xanuun, qandho, neef qabatin  iyo ur la’aan ama dhadhan la’aan.

Isbitaalka Keydsaney waa mid ka mid ah  labada isbitaal ee qalliinka oo ay taageerto guddiga caalamiga ah ee laanqeyrta cas ee magaalada Muqdisho oo ay maamuli jirtay bisha cas ee Soomaaliyeed.

Si loo xakameeyo faafitaanka fayraska, bisha cas ee  Soomaaliyeed iyo guddiga caalamiga ah ee laanqeyrta cas waxay ka wada shaqeynayeen gaarsiinta fariimaha ka hortaga iyo kaalmada  bulshada.