Dadka u baahan hada waxay wici karaan lumbarka 24-saac oo lacag la aan ah markii lagu jiro xaalada deg-dega ah si ay u raadsadaan gar-gaarka deg-dega ah iyo adeegyada gaadiidka ay bixiso bisha cas ee Soomaaliyeed.

Howl galka lumbarkan cusub ayaa ujeedadiisu yahay in lagu xoojiyo tayada iyo waxqabadka howlaha gurmadka ee Muqdisho, waqtiga deg-dega ah, u diyaar garowga iyo jawaab bixinta deg-dega ah ee daryeelka dhaawacyada iyo kuwa buka ayaa sidoo kale macnaheedu yahay badbaadinta nolosha,  kooxda gar-gaarka deg-dega  bisha cas ee Soomaaliyeed waxay heegan ugu jiraan inay ka caawiyaan dadka iyo bulshadooda gar-gaar deg-deg ah iyo adeegyada Ambalaaska mar walba, 24 saacadood maalintii, todobada maalmood Isbuucii.

Adeega Ambalaaska waa lacag la’aan, waxaana hogaaminaya mutadawiciinta bisha cas ee Soomaaliyeed, ujeedadu waa badbaadinta dadka, waa qeyb ka mid ah howlaha samafalka ee bisha cas ee Soomaaliyeed, lumbarku wuxuu ku xiraa bulshada jawaab bixinta gar-gaarka deg-dega ah –  daryeel bixiyayaasha gar-gaarka deg-dega ah, qofka iyo hogaamiyaha kooxda, ayuu yiri  Nuur Cabdikariim Cali, barta gargaarka degdegga ah ee bisha cas ee Soomaaliyeed laanta Muqdisho.

Sanadkan, kooxda gar-gaarka deg-dega ah  waxay hagaajiyeen qaabkoodii shaqo si ay u  haboonaato talaabooyinka looga hortagayo faafida COVID 19 lagana ilaaliyo fayraska xubnahooda, daryeel joogtada ah iyo talaabooyin taxadar ah, sida adeegsiga qalabka ka hortagga qof ahaaneed iyo nadaafada haboon ee Ambalaaska ayaa laysla meel dhigay, macluumaad ayaa laga codsadaa bukaanada si loo ogaadaan haddii ay qabaan wax calaamado ah oo COVID 19 ah, si iyagoo bed qaba loogu qaado Isbitaalka.

Si loo xuso maalinta gar-gaarka deg-dega ah ee aduunka 2020, bisha cas ee Soomaaliyeed waxay abaabushay tababar gar-gaarka deg-degga ah ee bulshada, iyo shaqaalaha bisha cas ee Soomaaliyeed, mutadawiciinta iyo tababarayaal. tababaradaan, oo ay bisha cas ee Soomaaliyeed fuliso sanadka oo dhan dhammaan dalka, qalabayn tababarayaasha  cilmi gar-gaarka deg-dega ah oo aas-aasi ah, iyo xirfado taas oo ah ka hortaga dhaawacyada iyo jirada inay sii xumaadaan ilaa laga helayo gar-gaar caafimaad.

Gudigan caalamiga ah ee laanqeyrta cas  iyo bisha cas ee Soomaaliyed waxay ka jawaabeen wadar ahaan 170 dhacdo oo  wadanka ah sanadkan. in ka badan 400 ruux ayaa ka faa’iideystey tababarka gar-gaarka deg-dega ah ee bulshada.