Haayada Caalamiga ah ee laan qayrta cas (ICRC) waxaa Sharaf u ah in ay shaaciso abaal marin cilmi baariseed oo ku saabsan waxqabadyada ugu wanaagsan ee la daabacay kana hadlaya sharciga caalamiga ah ee bini”aadanimada.

Arar: iyadoo ka duulaysa waajibaadka shaqo ee loo igmaday si loo fahmo una baahiso aqoonta loo leeyahay IHL loona diyaariyo wixii horumarin ah ICRC waxay wada shaqayn la leedahay bahda waxbarashada si ay wacyi galin u sameeyaan una dhiirigaliyaan cilmi baarista iyo barashada sharciga caalamiga ah ee gargaarka bini”aadanimada.

Habka Gudbinta Codsiyada: qalinlaydu waxay soo gudbin karaan waxqabadyada la daabacay intii u dhaxaysay 1 Sebteember 2019-31 Diseembar 2020, dhigaalka la daabacay waa in uu ahaadaa maqaal dib u eegis lagu sameeyay ka hor daabicidiisa (Article in a peer reviewed journal), qayb ka mid ah dhigaal la qoray (book chapter) ama dhigaal dhamaystiran  (book) lagana qoray mawduucyo ka hadlaya IHL waxaa ka mid noqon kara waxqabadyada la aqbalay in la daabaco cadaynta ugu dambaysa bisha Diseembar 2020, codsiyada waa in lagu soo gudbiyaa hab email ah iyadoo lagu soo hagaajinayo nai_com@icrc.org ugu dambayn 31 Diseembar 2020.

Shuruudaha: Qaliinlaydu waa in ay ahaadaan kuwa u dhashay dalalka Afrika iminkana ku nool ama ka shaqeeyaa qaarada Afrika intaa waxaa dheer luuqada ay ku qoranyihiin codsiyadu waa in ay ahaataa English, Carabi ama Faransiis midkood.

Abaal marinta: waxqabadyada lasoo gudbiyay waxaa qiimayn doona gudi khibrad u leh IHL, ICRC waxay abaal marin u bixin doontaa £1000 oo la gudoonsiinayo qainlayda dhigaalkoodu ugu wacanyahay.