Nairobi (ICRC)— Soomaaliya waxay ku sugantahay waqti muhiim ah halkaas oo wax-qabadka degdegga ah weli uu xakamayn karo faafitaanka COVID-19 noloshana la badbaadiyo. Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) waxay aad uga walaacsan tahay saameynta uu fayrusku ku yeelan karo bulshooyinka ku diciifay rabshadaha iyo colaadaha, halkaas oo barakaca, nafaqo-xumada iyo dillaaca cudurrada ay horay ugu sii baaheen.

Soomaaliya waxay maraysaa meel isgoys ah: waa in si dhakhso leh maclumaad iyo dhaqaale la garsiiyo bulshooyinka iyo xeraha caafimaaka si looga hortago COVID-19, hadii kale, hadii aan si tartiib ah u dhaqaaqno waligeena lama qabsan doonno curudka,” ayuu yiri Juerg Eglin, madaxa ergada ICRC ee Soomaaliya. “Waa muhiim in la dheereeyo, waxaanuna la shaqeyneynaa asxaabteena Bisha Cas ee Soomaaliyeed si aan si buuxda ah ula dagaallano in COVID-19 si uusan wadanka ugu faafin.”

Ururka Bisha Cas (SRCS) iyo ICRC waxay ku dadaalayaan in ay si dakhso leh 120,000 oo qoys gaarsiiyaan macluumaad ku saabsan sida looga hortagi karo COVID-19 iyada oo la isticmaalayo saabuun iyo kiniiniyada koloriin ah. Magaalada Baardheere ilaa 8,000 qoys ayaa toddobaadkan fariimo la gaarsiiyay. Meelo kale oo ka mid ah Soomaaliya, 260 fadhi maclumaad ayaa toddobaadkaan lagu abaabulay xarumaha caafimaadka ee SRCS taageerayso, iyada oo farriimo la gaarsiiyey 2,600 oo qof.

“Haddii tiro badan oo kiisas ah lala kulmo nidaamka caafimaadka  ma awoodi karo in uu la tacaalo,” ayaa tiri Ana Maria Guzman, iskuduuwaha caafimaadka ICRC u qaabilsan Soomaaliya. “Macluumaadka saxda ah waa in ay ahaadaan safka hore ee jawaabta, si dadku ay u qaadaan tallaabooyin lagu badbaadiyo naftooda iyo qoysaskooda.”

Ku dhawaad 500 shaqaale caafimaad iyo mutadawiciin Bisha Cas ka mid ah ayaa lagu tababaray astaamaha iyo ka hortagga COVID-19. ICRC waxay isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka dalka oo dhan ku qaybinaysa galoofyo, biliijka (daawada darka ama qalabka lagu nadiifiyo) iyo qalab kale.

Si loo hubiyo in cidina aan laga tagin dadalka Soomaaliya looga joojinayo, ICRC-da waxay kaloo siisay saami lix bilood u dhigma oo saabuun ah dhammaan maxaabiista iyo shaqaalaha xabsiyada Muqdisho iyo Kismaayo. Dadaalkaan wuu sii socon doona, waxaana laga gacan ka geysan doonaa dajinta tillaabooyinka looga hortagayo faafinta caabuqa iyo la wadaagga macluumaadka ku saabsan COVID-19 maxaabiista iyo shaqaalaha in kabadan 20 xabsi oo dalka oo dhan ah.

“Waa inaan sameynaa wax walba oo aan kari karno si aan uga hortagno in fayruska uu xabsiyada galo,” ayey tiri Guzman. “Kala fogaanta dadka ayaa ah mid aan macquul aheyn, haddana faafitaanka COVID-19 xabsi gudihiisa waxay wax u dhimeysaa maxaabiista iyo shaqaalaha labadaba. ”

In kasta oo COVID-19 uu khatar aan la arki karin ku hayo Soomaaliya, iska-horimaadyaduna ma  aysan joogsan, iyaga oo wali sababayaa barakac iyo dhibaato. ICRC waxay sidoo kale ka shaqayneysaa inay hubiso in shaqadeeda naf-badbaadinta ah  aysan u istaagin COVID-19 darteed, ayna sii wadi kartaa shaqadeeda si badbaado u leh shaqaalaheeda iyo dadka ay u adeegeeyaan labadaba.

“Rabshadaha ayaa sii socda. Dhibaatooyinka cimilada ayaa sii socda. Waa inaan wax ka qabannaa baahiyaha ay qabaan dadka ugu nugulka ah ee Soomaaliya, iyadoo waliba ay jirto khatarta dheeraadka ah ee COVID-19 keenayo,”ayuu yiri Eglin.

Akhriso ICRC iyo SRCS iftiimin hawleed oo kusaabsan COVID-19.

Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah la xiriir:

Richard Desgagne, Communication and Prevention Coordinator, +254 700 888 131, rdesgagne@icrc.org

Mohamed Abdikarim, Public Relations Officer, +254 770 171 756, mabdikarim@icrc.org