Nairobi (ICRC) — Iyadoo 2.6 milyan oo qof ka barakaceen guryahooda ku yaala Soomaaliya, Guddiga Caalamiga ee Laanqayrta Cas (ICRC) waxay ku amaanaysaa dowladda Soomaaliya tallaabada ay qaaday ee ah in ay dhowrto oo ay caawiso qoysaska barakacay iyada oo ansixisay Axdiga Midowga Afrika ee Dhowrista iyo U-Gargaarka Dadka Ku Barakacay Gudaha Afrika— Waxaa kaloo loo yaqaanaa Axdiga Kambala.

“Waxaa na dhiirigeliyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xuquuqda barakacayaasha Soomaaliyeed, gaar ahaan waqti kumanaan dad ah ay ku barakaceen isku-dhacyada iyo dhibaatooyinka cimilada,” ayuu yiri Juerg Eglin, madaxa ergada ICRC-da Soomaaliya.

Soomaaliya waa dalka 30-aad ee Afrika ee ansixiya dukumentiga, waana heshiiskii ugu horreeyay abid ee la xiriira barakaca gudaha. Ansixinta ayaa calaamad u ah tallaabo aad muhiim ugu ah dalka in la sameeyo hannaan sharciyeed oo xoog leh si loo caawiyo Soomaalida barakacday.

ICRC waxay ku lug lahayd qoritaanka iyo geedi socodka wadahadalka oo horseeday ansixinta Axdiga sanadkii 2009-kii. Tan iyo markii la ansixiyay, waxaan siiney dowladaha talo farsamo oo ku saabsan tallaabooyinka Axdiga loogu tarjumaayo qaab- dhismeedyada sharciga  dalka iyo sidii loo fulin lahaa.

Iyada oo qayb ka ah waajibaadkeeda shaqo si loo dhowro nolosha iyo sharafta dadka ay saameeyeen colaadaha hubaysan iyo rabshadaha, shaqada ICRC ka wado Soomaaliya waxay si gaar ah diiradda u saareysaa ku caawinta dadka barakacay in ay helaan baahiyahooda aasaasiga ah.

“Waxaan diyaar u nahay in aan Soomaaliya siino khibrad sharciyeed iyo taageero halka looga baahan yahay in Axdiga loogu bedelo tallaabooyin ficil ah oo wax ka baddelaya nolosha dadka gudaha ku barakacay,” ayuu yiri Eglin.

Axdiga Kambala