Muqdisho (ICRC) – Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) waxay ugu yeerayaan dhammaan kooxaha hubeysan inay muujiyaan is xakamayn ayna sameeyaan taxadar joogto ah si loo badbaadiyo dadka rayidka ah si waafaqsan xeerka caalamiga ah ee bani’aadamnimada. Ku dhawaad ​​90 qof ayaa lagu diley qaraxii bilowga toddobaadka ka dhacay Muqdishu, in ka badan 140 kalena waa la dhaawacay, kuwaas oo ay ku jiraan caruur iyo arday jaamacadeed.

“Dhab ahaantii aad ayaan uga naxnay weerarkan. Mar labaad, shacabka ayaa ah kuwa ku dhacaya cawaaqibka iska-horimaadka mana ahan wax la aqbali karo. Waxaan jecel nahay inaan xusuusino dhammaan dhinacyada ku lugta leh iska-horimaadka inay ka digtoonaadaan dadka rayidka ah. Waa in la dhowraa. Waa in la badbaadiyo.” ayuu yiri Maxamed Ibraahim oo ah kormeera hawlgallada ICRC ee caasimadda Soomaaliya.

ICRC waxay sahay caafimaad oo ay ku jirto qalab qalliin gaarsiisay Isbitaalka Madiina si ay gacan uga geysato wax ka qabashada dadka tirada badan ee waxyeelladu ka soo gaartay.

“Tan iyo Sabtidii waxaan sameynay 52 qalliin waxaan rajeyneynaa in bukaannada badankood ay soo bogsadaan. Afar ka mid ah bukaannada ayaa loo diray Turkiga si loogu sameeyo daweeyn dheeri ah,” ayuu yiri Maxamed Yuusuf Xasan, agaasimaha Isbitaalka Madiina oo ay ICRC-du taageerto sanadka oo dhan.

Weerarku waa midkii ugu dhimashada badnaa sanadihii ugu dambeeyay wuxuuna dadka xusuusinaya argaggaxii qaraxyadii mataanaha ahaa ee ka dhacay bartamaha magaalada Muqdisho kaas oo ay ku dhinteen ku dhawaad ​​580 oo qof bishii Oktoobar 2017.

“Waxaan arkay haween iyo caruur oo dhintay. Jir gogo’ay oo daadsan wadada oo dhan. Waxaan qaadnay ku dhawaad ​​70 qof oo mayd ah,” ayuu yiri Nuur Cabdikariim Cali, hoggaamiyaha kooxda Gargaarka Degdegga ee Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS).

ICRC waxay ka shaqeysaa gudaha Soomaaliya si ay u xaqiijiso dhowridda bani’aadmnimada iyo taageerada dhibbanayaasha dagaalada hubaysan iyo xaaladaha kale ee rabshadaha. Tani waxaa ka mid ah dhiirrigelinta ixtiraamka xeerka caalamiga ee bani’aadamnimada.

Xiriir:

Richard Desgagné, Communication Coordinator, ICRC Somalia, Tel : +254 700888131 (English)

Abdikarim Mohamed, Public Relations Officer, ICRC Somalia, Tel: +254 770171756 (English/Somali)

Abdulkadir Ibrahim Haji “Afi”, Director of Organizational Development and Communication, Somali Red Crescent Society, Tel: +252 615547715 / +254 725687768 (Somali/English)