Guddiga Caalamiga ee Laanqayrta Cas(ICRC) wuxuu taageerayey nidaamka caafimaadka Soomaaliya tan iyo markii ay dhacday dawladdii 1991-dii, taas oo horseeday burburka nidaamka daryeelka caafimaadka iyo kaabayaasha. ICRC oo kaashaneysa Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed ayaa waxay bilaabeen bixinta taageero ayagoo furay rugo caafimaad kana dhigeen xarumo caafimaad iyo isbitaallo oo daryeel u fidiya kuwa ku dhaawacma colaadaha.

ICRC waxay hadda taageereysaa barnaamijka gargaarka degdegga ah, daryeelka caafimaadka asaasiga ah, isbitaallada, hawlaha nafaqada iyo u- kala-gudbinta bukaannada hal heer oo daryeel ah iyo midka xiga iyadoo ku xiran baahidooda (oo loo yaqaan sii wadida daryeelka). Iyadoo la kaashaneysa kooxda gargaarka degdegga ee ICRC, Ururka Bisha Cas wuxuu wadaa barnaamijka gargaarka degdegga ah. Barnaamijku wuxuu dhisaya awoodaha gargaarka degdegga ee mutadawiciinta gargaarka degdegga ee Ururka Bisha Cas iyo bulshada, iyadoo siinaysa xirfadaha lagama maarmaanka u ah ka jawaab-celinta xaaladaha degdegga ah iyo maamulidda daryeelka gargaarka degdegga ah. Sanadkii 2016-kii, saddex kooxood oo gargaarka degdegga ah ayaa laga bilaabay guud ahaan 3 magaalo oo waaweyn kuwaas oo kala ah Muqdisho, Gaalkacyo iyo Laas Caanood si ay wax uga qabtaan xaaladaha degdegga ah, kuwa dhaawaca ahna lagu daweeyo isbitaallada.

Ka sokow barnaamijka gargaarks degdegga ah, ICRC waxay ka taageertaa Ururka Bisha Cas 29 xarumood oo daryeelka caafimaadka asaasiga ah(DCA), (20 xarumo rigli ah iyo 9 rugood ee wareega), dhammaantoodna bixiya adeegyo kala ah daaweyn, ka hortag iyo dhiirigelin. Guud ahaan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, sagaal iyo toban oo ka mid ah xarumahaas caafimaad ayaa sidoo kale caruurta da’dooda ka hooseyso shan sano oo qaba Nafaqo Xumo Daran siiyaa adeegyo nafaqo siin ah. Sanadkii 2018-kii, iyadoo ah mashruuc tijaabo oo ka socda labada xarumood ee Daryeelka Caafimaadka Asaasiga ah ayaa ICRC waxay soo bandhigtay adeegyada Gurmadka Degdegga asaasiga ah ee ilmo ka dhalinta iyo ka warqabka hooyada uurka leh iyo daryeelka ilmaha dhowaan dhashay.Intaa waxaa dheer,barnaamijka caafimaadka oo bulshada kaalin firfircoon ku leh oo ka socdo Dalxiiska iyo kormeerka ku saleysan bulshada ee Baydhabo ayaa sidoo kale waxaa la bilaabay masharuucyo tijaabo ah oo ujeeddadoodu ay tahay in barnaamijka Daryeelka Caafimaadka Asaasiga ah lagu xiro bulshada.

Qaliinka ay ICRC u sameyso dadka ku dhaawacma dagaallada iyo daryeelka caafimaadka degdeegga ah oo loo fidiyo dagaalamayaasha iyo kuwa aan dagaalameynin ayaa wuxuu dalka oo dhan ku leeyahay taariikh dheer oo soo jireen ah. Waqtigan xaadirka ah, Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, ICRC waxay taageertaa afar isbitaal oo qaadi kara 410 sariirood. Isbitaaladu waxay kala yihiin Keysaney (tan iyo 1992-dii), Madiina(2001-dii), Kismaayo(2013-kii) iyo Baydhabo(2014-kii) dhammaantoodna waxay bixiyaan qalliinka loo sameeyo dadka ku dhaawacma dagaallada. Intaa waxaa sii dheer, isbitaallada Baydhabo iyo Kismaayo ayaa sidoo kale waxay daryeel dhanka nafaqada ah siiyaan caruurta bukaan-jiifka ah oo la il daran nafaqo xumo daran oo ay u wehliso dhibaatooyin caafimaad. Sanadkii 2016-kii, ICRC iyo Laanqayrta Cas ee Norway waxay 20 sariirood ugu deeqeen isbitaalka Keysaney si loogu taageero qalliinka isku-furanka. Ururka Bisha Cas wuxuu qabtaa wacyi-gelinta bulshada iyo bukaannada qaba isku-furanka kuwaas oo laga soo diraayo xarumaha Daryeelka Caafimaadka Asaasiga ah loona diraayo isbitaallada.

Gargaar Newsletter – Health 2019 (Somali)

Taageerada guud ee ay ICRC siiso qaybaha kala duwan ee caafimaadka waa daawooyinka, qalabka, dhisidda kartida, bixinta gunnada shaqaalaha iyo kharashka socodsiinta hawlaha. Iyadoo la adeegsanaayo fikradda ah sii wadida daryeelka, ayaa ICRC iyadoo la kaashaneysa Ururka Bisha Cas, Jimciyad-Qarameedyada la hawlgalaan iyo kooxaha maaraynta isbitaallada ayaa waxay taageertaa isbeddellada barnaamijyada caafimaadka ee Soomaaliya.

Akhri Warsidaheena Caafimaadka haddii aad dooneysid maclumaad dheeraad