Toddobo iyo toban xubnood oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Somaliland iyo Puntland, kuwaas oo lagu kala qabtay dagaalkii hubaysanaa ee labada dhinac dhex maray bishii Maajo 2018kii, ayaa maanta la sii daayay guryohooduna lagu celiyay iyada oo Guddiga Caalamiga ee Laanqayrta Cas (ICRC) hawshaan gacan ka geysatay.

(Sakaril katirsaan Gudiga calamiga ee langeyrta cas oo magaceeda laa yirahdo Anjelina Polishchouk ayaa kahadleysa doorka uu Gudiga kulahaa is-waydaarinta maxabis ku hirnayd Puntland iyo Somalialand kuwas oo xabsi galay kadib marki labada dinac ay dagalameen Bishi Maajo ee Sanadki 2018)

ICRC waxay si kala gaar ah dadka la sii daayay ugu duulisay Hargeysa iyo Garowe.  Sii dayntooda ka hor shaqaalaha ICRC waxay si gaar ah u wareysteen maxaabiista si ay u xaqiijiyaan in dhammaantood ay oggol yihiin in dib loo celiyo. ICRC kuma lug laheyn wadahadalladii ka horreeyay sii daynta.

“Maamulada arrintu khuseyso ayaa bilaabay oona ku heshiiyey qorshahaan.  Waxaan adeegyadayada u soo bandhignay labada dhinac, waxaana xaqiijinnay in aan diyaar u nahay in aan fududeyno – marka ay naga codsadaan – dib u noqoshada 17ka maxaabiis la sii daayay” Simon Brooks, madaxa Ergada ICRCda ee Soomaaliya, ayaa yiri.  “Waa rajada ICRCda waxayna aaminsan tahay in dib-u-soo-celinta dadka horey u xirnaa ayaa qoysaskooda farxad u keeni doonto maadaama ay Ciidda isla dabaaldegi doonaan.”

Caalamka oo dhan, ICRC waxay si joogta ah u booqataa maxaabiista si ay ula socoto xaaladdooda iyo la macaamilkooda. Hay’addu waxay a si xafidan mas’uuliyiinta xabsiyada kala hadashaa  arrimo walaaca ah ee la xiriira sida maxaabiista loola dhaqmo iyo xaaladda  lagu hayo. Waxay kale oo ku dadaashaa in ay yareyso dhibaatada qoysaskooda, gaar ahaan waxay dib u soo celisaa xiriirka u dhexeeya dadka xiran iyo qaraabadooda.

Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan la soo xiriir :

Crystal Wells, ICRC Nairobi, +254 716 897 265 (English)

Email cwells@icrc.org ama booqo websitkeena: www.icrc.org

 Si aad u eegto aadna soo dejiso fiidiyowga ee tayada warbaahinta ugu dabeeya ee ICRC, booqo

www.icrcvideonewsroom.org