Guddiga Caalamiga ee Laanqayrta Cas (ICRC) wuxuu leeyahay taariikh dheer oo ah fududeynta sii daynta hal dhinac ama is-waydaarinta dad lagu kala qabsaday colaad hubaysan, Soomaaliya iyo aduunka oo dhan. Kuwani waa shan waxyaalood oo aad u baahan tahay inaad ka ogaato waxa ICRCdu sameeyso – iyo waxa ay samaynin – marka ay xaalad noocaan ah dhacdo.

1. Waxaan nahay dhexdhexaad iyo eex la’aan.

ICRC ma doorato hal dhinac.  Waxaan la hadalnaa dhammaan dhinacyada ku lug leh colaadda,  iyadoo ujeeddada kaliya tahay in la yareeyo lana ka hortago dhibaatada dadka la kulmaan.  Shaqadeena waa mid bani’aadamnimo ah, taas oo macnaheedu tahay in aan bixino gargaar bini’aadam ah oo gebi ahaanba ku saleysan baahida, iyada oo aan lahayn siyaasad, diin, fikrad, ama ajandooyin kale. Dhexdhexaadnimada iyo eexasho la’aanta ayaa noo ogolaanaya inaan u adeegno dadka dhinacyada colaadda.

2. Ka ma qayb qaadno wada hadalada siyaasadeed oo u dhexeeya dhinacyada.

 Wadahadalku wuxuu u dhexeeyaa maamulada haya dadka. Annaga oo ah hay’ad dhexdhexaad ah oo madax bannaan,  waxaan diirada saarnaa inaan hubinno in sii-dayn iyo dib-u-celin kasta uu u dhaco si ammaan ah iyo in dadka la hayo ay oggol yihiin.  Hawlgalkeena ee dib-u-noqoshada wuxuu bilaabmayaa marka maamulka ay ku heshiiyaan cidda la sii deyn doono ayna naga codsadaan  adeeggeena.

3. Waxaan fududeynaa dib-u-celinta iyo / ama gaadiidka oo kaliya marka masuuliyiinta ay khuseyso naga codsadaan.

ICRC ma go’aamiso qofka la sii daynayo iyo goorta. Tani waa go’aanka maamulka, ka dib na waxay waydiin karaan ICRC in ay ka caawiso dib u celinta.  ICRC waxay kaliya ka qayb qaadataa sii deynta maxaabiista marka maamulka uu oggolaado, dhinacyadana ay ku heshiiyeen doorkeena.

4. Waxaan xaqiijinnaa in sii-deynta iyo dib-u-celinta ay yihiin ikhtiyaari si nabad ah ku dhacda.

Ka hor inta aan dib loo celin, kooxdayadu waxay si gaar ah ula kulmaan maxbuus  kasta si loo hubiyo in isaga ama iyadu dhib loogu celiyo guryahooda. Markaas waxaan hubsannaa in dib-u-celinta lafteeda ay tahay mid ammaan ah. Badanaa, dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal ayaa qayb ka ah kooxaha ICRC oo fududeynaya sii-deynta iyo dib-u-celinta, waxayna sameyaan baaritaan iyo gargaar caafimaad haddii loo baahdo. Mararka qaarkood  dadka waxaa lagu qaadaa diyaaradaha ama Gawaarida (LandCruisers) ICRC-da.

5. Doorkayagu wuxuu ku salaysan yahay Xeerka Caalamiga ee Aadamnimada.

Axdiyada Jenefa ee 1949—sharci caalami ah oo nidaamiya dagaalada hubaysan —waxay siisaa mudnaan ICRC-da ama hay’ad kale oo bani’aadanimo oo eex la’aan ah inay u fidiso adeegyadeeda bani’aadamnimo dhinacyada colaadda ku lug leh.  Tani waxay ka dhigan tahay in ICRC ay taageeradeeda u fidin karto dhammaan dhinacyada iyadoo ah koox dhexdhexaad ah marka la sii daayo dadka la hayo, oona ujeeddada keliya ay tahay in faa’iido ay ka helaan dadka la sii daayay, taas oo ka mid ah dib ugu soo noqoshada qoysaskooda si nabad ah iyada oo waafaqsan doorka hay’adda oo ah mid dhexdhexaadnimo, eexasho la’aan iyo bani’aadamnimo.