Ururka Bisha Cas, 8-da Maajo 2019-Shaqaalaha iyo mutadawiciinta Ururka Bisha Cas ayaa waxay maanta oo ah Maalinta Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas ee Adduunka la dabaal dagayaan bulshooyinka xiriirka gaarka ah la leeyihiin oo ku sugan dalka oo dhan.

“Shaqaalaheena iyo mutadawiciinteena waxay maalin walba hawl adag ka hayaan Soomaaliya oo dhan, hase ahaatee 8-da Maajo, waa waqti ay u dabaal dagaan hawlaha wacan ay ka hayaan dalka, iyo is bedelada wanaagsan oo ay sameeyaan, nolosha bulshada oo ay wax ka bedelaan mid weyn iyo mid yarba, ka jawaab-celinta dhammaan noocyada dhibaatooyinka iyo ku caawinta dadka in ay ku noolaadaan nolol ammaan ah oo Sharaf leh”, sidaa waxaa yiri Guddoomiyaha Ururka Bisha Cas Mudane Yusuf Xasan Maxamed.

Sanad kasta Ururka Bisha Cas wuxuu caawiyaa in ka badan saddex milyan oo qof una fidiyo adeegyo kala duwan oo ku saleysan baahiyaha bulshooyinka ku sugan Soomaaliya oo dhan.Laga soo bilaabo Maaraynta Musiibooyinka iyo Adkeysiga Bulshada, Dib-u-Soo celinta Xiriirka Qoyska ilaa laga gaaro Adeegyada Gargaarka Degdegga waxaana dadka ku caawinnaa sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen, ula tacaali lahaayeen, ama uga soo kabsan lahaayeen musiibo ama dhibaatooyin kale.

“Ururka Bisha Cas wuxuu u adeegayay dadka Soomaaliyeed tan iyo sanadkii 1963-dii.Mutadawiciinteena iyo shaqaalaha waxay u shaqeeyaan sidii ay kuu caawin lahaayeen, meel kasta oo aad joogto iyo xaalad kasta oo aad ku sugan tahay,” ayuu raaciyey Guddoomiyaha Ururka Bisha Cas Mudane Yusuf Xasan Maxamed.

“Waxaan u adeegnaa qof walba. Tani waa waxa aan idinku ballanqaadeyno, iyo ballanqaadkayaga aadminimada ah.”

Mutadawiciinta Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas waa kuwa u kala duwan sida adeegada naf badbaadineed uga bixiyaa 190-ka Jimciyad Qarameed, Guddiga Caalamiga ee Laanqayrta Cas (ICRC) iyo Xiriirka Caalamiga ee Jimciyadaha Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas. Dadaalladan maxalliga ah waxaa taageera Xiriirka Caalamiga ee Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas, Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas iyo sidoo kale Jimciyad Qarameedyada dunida ee iskaashiyada qeybta ka ah.

Guddoomiyaha Ururka Bisha Cas Mudane Yusuf Xasan Maxamed wuxuu yiri “Dhibaata kasta oo aad la kulantaan ama idin soo food saarta oo ay ka mid yihiin musiibooyinka dabiiciga ah, kuwa caafimaad, dhibaatooyiinka ka dhasha rabshadaha, Ururka Bisha Cas isagoo kaashanaya 19-ka laamood iyo 130-ka laamo-hoosaadyada uu ku leeyahay waddanka oo dhan wuxuu u heelanyahay inuu idin caawiyo.”

Maalinta Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas Adduunka ayaa loo dabaaldegaa 8-da Maajo. Waxaana la qadariyaa geesinimada iyo dadaalka mutadawiciinta iyo shaqaalaha ku baahsan dunida oo dhan.

Farrinta Guddoomiyha Ururka Bisha Cas (SRCS)