Saameynta abaarta daba dheeraatay waxay xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed ka qaaday hantidooda ugu qiimaha badneyd – xoolaha.Xaaladaha qallalan waxay sababeen gaajo iyo cudur, waxayna baabi’say tiro badan oo geel, ari, iyo ido ah. Muuqaal ahaan kuwa ka badbaaday waa kuwo daciif ah oo soo saara hilib yar ama caano yar oo marka suuqa looga ganacsanaayo lagu iibiyo lacag aan badneyn.Nasiib wanaag, dhammaystirka ololaha daaweynta xoolaha oo waddanka oo dhan lagu sameeyey iyo rajooyinka roobabka sanadka dhammaadkiisa ayaa xoolo-dhaqatada ku soo ridey wadada soo kabsashada. Ololihii la soo gebagebeeyey bishii Nofembar waxaa la daweeyey in ka badan hal milyan oo neef iyadoona la badbaadiyey hab-nololeedyada in ka badan 20,000 qoys oo xoolo-dhaqato ah kuwaas oo nolol ahaan ku tiirsan xoolaha.Sawiradan waxay muujinayan ololaha daaweynta oo Guddiga Caalamiga ee Laanqayrta Cas (ICRC) ka fulisay gobolka waqooyi ee Puntland.

Xoolo ku jira xero ku taalo suuqa xoolaha ee magaalada Garoowe, gobolka Nugaal. Ariga iyo idaha waa qeybta ugu badan xoolaha lagu iibiyo suuqa.Xoolo tiro yar ayaa iib diyaar u ah waxaana lagu iibiyaa qiime hooseeya sababta oo ah xaaladooda oo liidata. ©Rita Nyaga/ICRC

Bulshooyinka xoolo-dhaqatada ayaa ah kuwa sida adag ugu dhufatay abaarta oo xoolahooda ku waayey. In kastoo roobab laga soo sheegay deegaano yar yar, waqti ayey qaadaneysa ka hor inta qoysaskan ay si buuxda u soo kabsadaan. Dadka deggan tuulada Salaxley oo 12 km koofur bari kaga beegan magaalada Garoowe waxay ka mid yihiin dadka waxyeelada ka soo gaartay abaarta. ©Rita Nyaga/ICRC

Faadumo waxay abaarta sanadkan ku weysay in ka badan 200 oo neef. Wixii ka soo haray ariga waa kuwo daciif ah oo u nugul cudurada. Haddii aanan la daaweyn waxay u badneyd in ay weyso xoolo ka sii badan, in kastoo ololihi daaweynta ICRC-da ee dhowaa, xoolaha waxay heleen fursado fiican oo looga hortagaayo cudurada. ©Rita Nyaga/ICRC

Iyadoo sabab u tahay qaab nololeedkooda reer- miyiga ah, xoolo-dhaqatadu waxay helayan wax yar oo adeegga caafimaadka xoolaha ah. Guud ahaan Soomaaliya si gacan loogu geysto ka hortagga dulinka iyo cudurada caamka ah in ka badan hal milyan xoolo-geel, lo’, ari iyo ido ayaa ICRC ka heleen daaweyn. Taageerada noocaan ah waa tii ugu horreysay oo tiro qoysaskan ah ay helaan oo ay ku jiraan xoolaha Faadumo. “Waa markii ugu horreysay xoolahay ay helaan daaweyn,” ayey tiri. ©Rita Nyaga/ICRC

Biyo iyo cunto la’aan daraadeed xaaladaha abaarta xoolaha waxay ka dhigtay kuwo daciif ah. Xaaladahan, xataa xanuunada yar yar xoolaha waxay u tahay khatar culus. Daaweynta fudud ee ay bixiyeen kooxaha xannaanada xoolaha waxay sare u qaadaan difaaca xoolaha iyaga oo ka caawinaaya marka xaaladaha adagi ay jiraan. ©Rita Nyaga/ICRC

Inkastoo Faadumo ay waysay 200 oo neef weli rajo ayey qabtaa. “Xilligan la joogo ariga waxaan ka helnaa hilib keliya. Waxaan ku faraxsanahay in badi riyaha ay riman yihiin. Marka waxaro iyo naylo cusub ay dhashtaan, carruurteyda mar kale waxay heli doonaan caano”. ©Rita Nyaga/ICRC

ICRC waxay tababar iyo qalaba siisaa in ka badan 350 oo ah shaqaalaha caafimaadka xoolaha ee bulshada iyo sidoo kale waxay daawooyin iyo sahay ku taageertaa farmashiyeyaasha dawooyinka xoolaha.Qaababkan taageerada ah waxay kaalin muhiim ah ka qaataan sidii qoysaska loogu caawin lahaa inay ka soo kabtaan khasaaraha ku dhacay. ©Rita Nyaga/ICRC