Muqdisho/ Nairobi(ICRC)-Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas(ICRC) iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed(SRCS) waxay jawaab ka bixinayeen baahiyaha deg deg ah ka dib qaraxii Sabtidii ka dhacay Muqdisho. Laba maalin ayaa laga jooga tirada dhimashadana way sii kordheysaa iyadoo meydadka laga soo saarayo burburka hoostiis.

48-kii saac ee la soo dhaafay, ilaha rasmiga ah waxay xaqiijiyeen dhimashada 276 qof halka in ka badan 284 oo ka badbaaday la geeyey Isbitaalada Keysaney,Madiina,Daru Alshifa,Mogadishu City,Somali Sudanese iyo Kalkaal.Dadka soo gaaray dhaawacayada halista ah waxa ay  helayan daweyn.

Tirada dhimashada ayaa sii kordheysa iyadoo si tartiib ah dadka looga soo saarayo burburka hoostiis, qaar ka mid ah meydadka la heley gubasho darteed lama garan karo.

“Tamartayada waxaan ugu talagalnay caawimaada hawlaha gargaarka goobta ka socda. Dadka bixiya gargaarka deg degga ah shaqaalaha caafimaadka iyo mutadawiciintu waxay sii wadaan inay isu geeyaan dadaaladooda iyagoo taageeraya hawlaha lagu caawinaayo kuwa ka badbaaday oo ay bixinayan bacaha meydadka si loo hubiyo in dadka dhintay loo aasay si sharaf leh,” waxaa yiri Daniel Gerard O’Maley, Ku-xigeenka Madaxa Ergada ICRC oo hadda ku sugan Muqdisho.

Isbitaalada u baahan sahay waxaa loo diyaariyey xirmooyin ku jirto daawo iyadoo Muqdisho joogaan koox qalliin si ay u caawiyaan shaqaalaha isbitaalka oo intii ay ahaayeen laga sii kordhiyey si loo maareeyo qulqulka.

Iyadoo ay jirto caqabado,kooxaha gargaarka deg degga ee SRCS waxay awoodeen inay wax ka geystaan daadgureynta daraasiin  dad ah oo saacadii ugu horreeyey dhaawacmay qaraxa ka dib. “Shaqadayada ma suurtageli laheyn haddii aan haysan laheyn 38-ka mutadawiciinta firfircoon ee SRCS kuwaas oo muujiyey dhiiranaan aan caqli gal aheyn oo ay ku guteen waajibaadkooda iyagoo adeegsanaya hab xadidan,” waxaa yiri Yuusuf Xasan Maxamed,Madaxweynaha SRCS. “Anagoo la murugeysan dhimashada, dadaaladeena waxay diirada saareyan caawinta kuwa nool sidass daraadeed waqti gudaheed dadku waxay si tartiib ah dib u helayan dareen caadi ah.”

Wixii macluumaad dheeraad ah fadlan la xiriir:
Layal Horanieh,
ICRC Nairobi, tel : +254 700 888 131 (Engriis/Fransiis/Carabi)