Soomaalida ku nool meelaha miyiga ah ee dalka helitaanka adeegyada daryeelka caafimaadka jug ayaa gaartay ama waa uu maqanyahayba. Sannooyin colaad soo jirtay iyo qaab-nololeedka reer guuraaga qarni dheer soo jiray ayaa in badan ka dhigay in uu ka go’o adeegyada caafimaadka.Hadana isla dadkan ayaa ku dhacay inta badan dhibka xaaladaha adag ee abaarta soo martay dalka oo dhan.Nasiib wanaag maanta, iyadoo lala kaashanaayo kooxaha caafimaadka wareega ee Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) xitaa qaar ka mid ah tuulooyinka ugu go’doonsan ee fog waxay awoodaan in ay helaan adeegyada muhiimka ah.