Meel kasta biyuhu waa qaali, laakiin waxaa jira meelo dhowr ah oo dunida guudkeeda oo biyaha sida Soomaaliya hadda ay tahay qaali ugu yahay.

Guud ahaan Soomaaliya qoysaska xoolo-dhaqatada ah waa ay guurguurayaan iyagoo raadinaaya biyo ay u cabaan xoolahooda isugu jira ari, ido iyo geel ka hor inta aan u dhiman haraad. Qoysaska Soomaaliyeed oo waraab ku beerta dalagayada hadda waxay ku dhaygagayaan webiyo qalan iyo dhul beered maran.

Geel biyo ka cabaya mid ka mid ah haamanka (onion tanks) laga rakibay Matabaan.

Si loo caawiyo dadka u baahan. ICRC waxay bixineysa daro ku meel gaar ah iyo haaman qaabka basasha u sameysan oo laabmi karaan, haaman biyo lagu keydsado oo dusha sare ka furan— si loo kordhiyo awoodda bulshooyinka ay ku keydsan karaan biyaha.

Haamanka waxay qaadi karaan 5,000 liitar biyo oo laga soo bamgareeyey ceelka. Tani waxay xaqiijneysa in xoolaha ay haystaan biyo badan oo ay cabaan. Magaalada Matabaan shan haamankan ah ayaa durba loo rakibay.

ICRC waxay bulshooyinka ku dhaqan duleedka Garoowe ku caawintay oo u dhistay biyo xireeno dhulka hoostiisa ah si looga hortago in uu khassaro biyo-xireenadan waxay soo jireen todoba sano ilaa maantana biyo ayaa ku jira.

Si wax badan aad uga ugaato qoraalka eeg

Biyo ku burqanaya haan biyood (onion tank) oo ICRC ka rakibtay Matabaan, Gobolka Hiiraan.