Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) waxay boqolaal kun oo mutadawiciin ah iyo xubno ka tirsan bulshada ku tababartay gargaarka deg degga tan iyo markii la asaasay in ka badan 50 sano ka hor. Buugga gargaarka deg degga ee Guddiga Caalamiga Laanqayrta Cas (ICRC) ayaa hadda lagu tarjumay afka-Soomaaliga, waa tallaabo horey loo qaaday oo mutadawiciinta u ogolaaneysa in wax badan oo tayo leh ka bartaan barashada farsamooyinka nafta lagu badbaadinaayo.

Buugga gargaarka deg degga

Buugga gargaarka deg degga

Gargaarka deg degga waa xirfad asaasi ah oo ku caawimeysa in la yareeyo dhaawaca iyo dhibaatada,ayna hagaajineyso fursadaha badbaadada qof u baahan caafimaad. ICRC iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed maanta waxay xusayan Maalinta Gargaarka Deg degga Adduunka 2016 iyagoo ku daah furaaya buugga afka-Soomaaliga ku qoran.

“Buugan cusub wuxuu mutadawiciinteena iyo xubnaha bulshada u ogolaanaya in wax badan oo tayo leh ka bartaan xirfadaha loo baahanyahay si loo maareeyo qofka dhaawaca ah ka hor inta ayan iman gargaar xirfadeed”, waxaa yiri Yuusuf Xassan, madaxweynaha SRCS. Buugga waa saaxibka isticmaalaha oo wata sharaxaad cad iyo sawiro ku saabsan sida loola tacaalo qofka dhaawaca ah.

Marka ay dhacaan shilal iyo dhaawacyo, waxaa isla markiiba loo baahan karaa gargaarka deg degga si loo maareeyo dhiig baxa loona xaqiijiyo in dhibbanayaasha ay neefsanaayaan. Jawaab celin caafimaad oo fiican oo la helo daqiiqadaha hore ka dib dhaawac argagax leh waxay badbaadin kartaa nolosha.

Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) waxay Soomaaliya ku leeyihiin 19 laamood iyo 130 laamo-hoosaad dalka oo dhan. ICRC waxay la shaqeysa SRCS si tababarka gargaarka deg degga ah u siiyaan mutadawiciinta iyo xubnaha bulshada.

Sannad kasta in ka badan 46 milyan oo dad ah ayaa caawimaad gargaarka deg degga iyo fariimo ka hortag la xiriirta caafimaadka ka helaan Jimciyad Qarameedyada Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas, halka 76 Jimciyad Qarameedyada Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas ay leeyihiin tababaro Gargaarka Deg Degga ah oo loogu talagalay caruurta.

Bog ka mid ah buug yaraha cusub ee gargaarka deg degga oo muujinaaya sida loo qaado qof.

Bog ka mid ah buug yaraha cusub ee gargaarka deg degga oo muujinaaya sida loo qaado qof.

images