Mararka qaarkood, waqtiyada dagaalka haweenku waxay noqdaan kuwo aad u nugul marka loo eego ragga sababta oo ah sifooyinka jir ahaaneed iyo doorkooda hooyonimo. Ilaa iyo hadda haweenku waxay in badan soo bandhigeen awdooda cajiibka ah si ay u dabaraan waqtiyada nidaam darada ay jirto. Soomaaliya waxaan markhaatiga ugu horreeya ka noqonay sida haweenka la taageero ay saameyn wanaagsan ugu leeyihiin qoyska oo dhan. Taa ayaa sabab u ah waxa qaar ka mid ah barnaamijyadeena si gaar ah diiradda u saarayaan qoysaska madaxda u ah haweenka si qoysaska loogu caawiyo in ay daboolaan baahiyahooda muhimka ah. “Sidoo kale haweenku waxay helaan taageero iyo dhiirigelin si ay u bilaabaan hadana u maareeyaan hawsha dakhli abuurka saa darteed waxay noqon karaan kuwo isku filan.

 

Qaar ka mid ah tirooyin muhim ah ee intii u dhaxeysay Janaayo iyo Juun 2016:

  • ICRC waxay 3,652 haween ku caawintay taageero lacageed oo caddaan ah
  • ICRC waxay 736 haween ku caawintay lacag caddaan ah oo shuruud ku xiran
  • Isbitaalada iyo xarumaha caafimaad oo ICRC-du taageerto waxay caawiyeen in ka badan 95,000 haween.