Nayroobi (ICRC) – Guddiga Caalamiga Laanqayrta Cas waxay cunto iyo alaabo kale oo ay ku jiraan kutubo Qur’aanka kariimka ah u qeybineysa in ka badan 5,000 maxaabiis Soomaaliya oo dhan.

“Bisha barkeysan ee Ramadaan waa bil ahmiyad weyn u leh dhammaan Muslimiinta oo dhan waxay na siineysa xilligan fursad aan ku xusuusano maxaabiista Soomaaliyeed,”sida waxaa yiri Ahmed Zaroug oo ah Isk-uduwaha Ilaalinta ICRC-da Soomaaliya. “Waxaan rajeyneynaa in gargaarkan maxaabiista Soomaaliya ku caawin doono in si sharaf leh ay ku soomaan.”

Hilib ari, caano boore, celeen shaah, sokor iyo timir ayaa la qeybinaaya. Qaar ka mid ah maxaabiista waxay kaloo heli doonaan kutubo Qur’aanka kariimka ah. Qeybinta bisha Ramadaan hadda waxay gashay sanadkeedi saddexaad waxayna ka dhaceysaa 29 xabsiyo.

Kooxaha ICRC waxay booqanaayaan maxaabiista, saldhigyada boliiska iyo hay’adaha ammaanka ee dawladda ee dalalka adduunka oo dhan si loogu dadaalo in la hubiyo in dadka laga qaaday xoriyadda loola dhaqmo si dadnimo ah oo sharaf leh. Intii u dhaxeysay bilaha Jannaayo iyo Maarso 2016 guud ahaan Soomaaliya waxaa la booqday in ka badan 3,000 maxaabiis.

Booqashooyinka lagu bixinaayo guud ahaan Soomaaliya waa qeyb ka mid ah shaqada taariikhi ah ee ICRC-du ka wado adduunka oo dhan waxayna soo jirtay tan iyo Dagaalkii Koowaad ee Adduunka, waqtigaas oo xeryaha xabsiyada la booqday ujeedaduna ay aheyd in la hagaajiyo xaaladaha. Intii u dhaxeysay tan iyo waqtigaas waxaa la booqanaayey kumanaan maxaabiis dagaal dagaaladii xigeyna waxaa la booqday Nelson Mandela intii uu xirnaa. Booqashooyinku waa qeyb muhim u ah jawaab celinta kala duwan ee ICRC marka ay timaado colaada hubeysan iyo xaaladaha deg degga ah ee bani’aadamnimada.

Ergey ICRC oo la hadlaya maxaabiis joogta Soomaaliya. Shaqada xabsiyada ee ICRC waxay hubineysa in dadka laga qaaday xoriyadooda loola dhamqo si dadnimo ah oo ay la jirto sharaf. ©ICRC/Pedram Yazdi

Ergey ICRC oo la hadlaya maxaabiis joogta Soomaaliya. Shaqada xabsiyada ee ICRC waxay hubineysa in dadka laga qaaday xoriyadooda loola dhamqo si dadnimo ah oo ay la jirto sharaf. ©ICRC/Pedram Yazdi

 

In badan oo ku saabsan shaqayada xabsiyada ka akhriso halkaan

Wixii macluumaad dheeri ah fadlan la xiriir:

Pedram Yazdi, Nayroobi: + 254 700 888 131

Jason Straziuso, Nayroobi: + 254 733 622 026

images