Henry Dunant

Henry Dunant asaasaha Laanqeyrta Cas iyo Dhaqdhaqaaqa Bisha Cas waana qofkii ugu horreeyey oo hela Abaalmarinta Nabadda ee Nobel. Axdiga Jeneefa 1864 wuxuu ku saleysanyahay fikradaha Dunant.

Dr. Axmed Maxamed Xassan, Madaxweynaha Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) waxaa Golaha Ergooyinka Dhaqdhaqaaqa Caalamiga Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas oo lagu qabtay Jeneefa 7 Disembar 2015 lagu abaalmariyey Biladda Henry Dunant. Biladda xushmada iyo qadarinta leh waa tan ugu sarreysa ee Dhaqdhaqaaqa waxaana loogu talagalay xubnaha ay muujiyeen ballanqaadka aadka u fiican ee  bani’aadamnimo.

Dr. Axmed oo waqtigiisi dhammaanayo sanadkan wuxuu hoggaanka SRCS soo hayey tan iyo sanadkii 1972dii asagoo urur qarameedka soo hoggaaminaayey tobaneeyo sano isbedelo siyaasadeed oo dhib badan iyo marxalado colaad hubeysan jirtay.

Goluhu waxay siiyeen xushmad amaan muujineysa iyadoo la xusaayo “dhaxalka uu reebay waxaa ku cad qaddarinta sare Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed loogu hayo gudaha Dhaqdhaqaaqa, la hawlgalayaasha qeybta bani’aadamnimo uguna muhimsan bulshooyinka deegaanka asagoo sameeyey wax badan si ay u adeegto.”

Anagoo ah ergada Soomaaliya waxaan u hambalyeyneynaa Dr. Axmed waxaana ku faraxsannahay in si dhow oo wadajir ah sanooyin ula soo shaqeynay.

Dr. Ahmed, third from right, poses for a picture with colleagues from the Somali Red Cross Society (SRCS) after receiving his award.

Dr. Axmed waa kan saddexaad marka laga soo bilaabo dhanka midig, wuxuu sawir la wadaagaya saaxibadiisa shaqada

 

Maqaalo la xiriira:

Dadka helay Bilada Henry Dunant 2015

Wareysi Dr. Axmed

images