Waxaa la gaaray fiid, xayn geel ah ayaa u soo deg degay darka biyaha si haraadka isaga bixiyaan ka gadaal safar dheer ku soo gaareen Qardho oo ah magaalo ku taalo meel fog waqooyiga Soomaaliya.

Waddan abaar xilliyeed waxyeeleysay ayaa helitaanka biyo nadiif ah ka dhigtay dhibaato. Sanooyin colaad jirtay ayaa qasay(carqaladeeyey) nolosha caadiga ah oo aan la helin in ku filan oo habboon goobaha  biyaha laga helo. Xoolo raacatada ayaa dantu ku khasabtay in kuleylka ku safaraan masaafo dheer iyagoo raadinaaya kheyraadkan qaaliga ah.

“ Xoolo raacatada haddaan nahay dhib badan ayaa la kulmeynay. Xoolaha way dhimanaayeen abaarta darteed. Haddii iska gadi laheyna waxaan ku gadi laheyn qiime aad u hooseeya. Tani waxay noo tahay qarow,” sidaa waxaa yiri Cabdirasaaq oo ah xoolo dhaqato.

Si loogu caawiyo in dhibka la yareeyo, Guddiga Caalamiga Laanqeyrta Cas ( ICRC) ayaa sannadkii hore ceel ugu qoday Qardho si uga faai ‘ideystaan dadka ku nool 16 tuulo oo meesha u dhow.

QARDO B

Goobta waxaa laga dareemi karaa nafis iyo sahlanaanta bulshada dhexdheeda ka jirto. Caruurta oo ceelka agtiisa ku cayaara kubbadda cagta waxay biyo ku buuxsadaan caagagooda marka cayaarta ay dhammaato halka odayaashuna ay sheekeysanaayaan iyagoo xoolahooduna darka biyaha ay ka cabayaan.

“Marka laga soo tago xoolaheena oo qiime fiican aan kuu ibsankarno caafimaadkooda fiican awgeed, ceelka wuxuu leeyahay dhinacyo  kale oo fiican. Xiriirka naga dhexeeya saaxibadeyna xooloraacatada ah wuu ka sii xoogeystay sidii hore uu ahaa oo qof kasta ka soo safray jihooyin kala geddisan iyagoo raadinaaya biyo. Maanta waxaa isku keen xiray helitaanka biyahan,” Cabdirasaaq ayaa yiri.

 

Koox dad ah oo kala duwan ayaa ka faai ‘iday ceelka Qardho oo ay ku jiraan qoysas ka soo qaxay colaad ka dhacday meelo kale waddanka  halkaana dib u degay.

Hooyo Aamina waxay ka mid tahay boqolaalka  barakacayaasha ah oo ku sugan Qardho. Waxay booqasho joogto ah ku tagtaa meesha biyaha laga dhaansado sida caadiga ahna ay wehlinaayaan afrteeda caruur.

“Waxaan socon jiray kiiloomitir badan si biyaheena u helno; tani dhammaanteen aad ayey noogu fududahay,” hooyo Aamina ayaa tiri.

Fernando Resta oo ah madaxa barnaamijyada biyaha ICRC Soomaaliya ayaa ka naxay warcelintan.

“Ujeedkeena ugu weyn waa in qoysaska lagu caawiyo in si dhib yar ku helaan biyo nadiif ah iyadoo bartamaha bulshooyinka looga dhisaayo dhisme shaqeynaya. Marka la dhiso bulshada ayaa maamulaysa si loo xaqiijiyo in qof kasta uu heli karo biyaha iyo in dhismahana si fiican u sii shaqeeyo,” Resta ayaa yiri.

Tan iyo bishii Jannaayo ee sanadkan,ICRCda Soomaaliya waxay in ka badan 65,000 qof oo intooda badan ay yihiin daaqsato oo baahi weyn u qaba biyo joogto ah si ay u joogteeyaan habnololeedkooda  u fududeysay helitaanka biyo.

Meesha biyaha laga dhaansado ee Qardho, sida caadiga ahna waa bar mashquul ah waana meesha dadka ka helaan biyo nadiif ah

Meesha biyaha laga dhaansado ee Qardho, sida caadiga ahna waa bar mashquul ah waana meesha dadka ka helaan biyo nadiif ah

 

images