“Si fiican oo waqtiga loo adeegsado wuxuu waqtiga xitaa ka dhigaya mid aad qaali u ah”

Jean-Jacques Rousseau

Waqtigu waa wax qaali ah.  Kana sii qaalisan,   markay tahay gudaha waaxda qaliinka (OT) halkaas oo ilbiriqsi kasta ay sameyn karto farqi u dhaxeeya nolol ama geeri. Sameynta waxqabadka   ku habboon waaxda qaliinka waxay ku caawisaa xakameynta caabuqa iyo waqtiga oo si fiican looga faa’ideysto. Waa muhim in shaqaalaha isbitaalka ay la qabsadaan hababka si awood ugu yeeshaan in si fiican ugu adeegaan bulshooyinkooda.

Rita Agbemenu   oo 37 jir ah waa kalkaaliso caafimaad dhanka qaliinka   oo ka timid Jenefa, waxay dhisatay mihnad oo ay qolka qaliinka   ka soo shaqeyneysay in ka badan 12 sano. Fadhigeedu waa Isbitaalka Militeriga 37aad ee magaalada Accra,  Ghana, laakiin lixdii bilood dambe ee dhowaa 2014kii ayey la shaqeyneysay ICRC, Koofurta Suudaan. Xilligii ku gudajirtay hawsheeda ee wadanka kaas oo la dhadhacayey colaadii 18 billood ee la soo dhaafay, ayaa waxay tiro qaliimo ah ku caawisay dhibanayaasha qaba dhaawacayada hubka.

Bishii Abriil sanadkan, ka dib dhameystirkii hawshii dayactirka meelaha ay ku yaaliin qolalka waaxda qaliinka iyo dhismooyinka isbitaalka, ergada ICRC Soomaaliya ayaa qoratay Rita si aqoonteeda ula wadaagaan shaqaalaha qaliinka ee Isbitaalada Kismaayo iyo Baydhabo.

Barnaamijka tababarka waxaa looga dan leeyahay in lagu hagaajiyo hufnaanta qaliimada iyo daryeel   haboon loo fidiyo bukaanada   xoogana la saarayo xakameynta caabuqa.

“Waxaan dhammeystirnay habsami u socodka shaqada qeybaha kala duwan ee waaxda qaliinka, taasi waa qaliinka, qolalka bogsashada iyo sterilisaashinka. Sterilisaashinka si ballaaran ayaa loo dhammeeyey iyo nadaafad wanaagsan iyo farsamooyinka gacmo dhaqa ayaa xoogga la saaray. Waxaan kaloo ka shaqeyney maareynta shaqaalaha waaxda qaliinka,   kaltanka iyo guud ahaan hagaajinta habsami u socodka shaqada,” Rita ayaa sidaa sharaxday.

 

Rita Agbemenu oo shaqaalaha u sharaxeysa habka alaabta Waaxda Qaliiinka loogu hayo xaalad jeermis aan laheyn.

Rita Agbemenu oo shaqaalaha u sharaxeysa habka alaabta Waaxda Qaliiinka loogu hayo xaalad jeermis aan laheyn. © ICRC/Pedram Yazdi

Tababarka gacan-ku qabadka ah wuxuu socday lix todobaad badanaa waxaa qeyb ka ahaa casharo baraatiko ah laguna dhex sameynayey waaxda qaliinka halkaas oo shaqaalaha sameeyey hawlqabad baraatiko ah ku saabsan waaxda qaaliinka.

Rita hawsheeda 6 da todobaad ahaa, waxayna tababartay wadar ahaan 25 shaqaale qaliin. Waxay ku mahadcelisay iskaashiga weyn iyo taageerada shaqaalaha iyo maamulka isbitaalka. xirfadahan cusub iyo hababkan oo la haysto, iyada kalsooni ayey qabta, isbitaaladu meel fiican oo ay ugu adeegi karaan bulshadooda ayey joogaan.

Marka la isku daro, labada isbitaal waxay sameeyeen in ka badan 600 qaliin tan iyo bilowgii sanadkan.

 

images