“Waxaan maqleynay dhawaaqa rasaasta laakiin markii dambe waxay isu bedeshay duqeyn cirka ah oo sida roobka u soo daadneysaa. Meel aan u cararo ma ayan jirin, gabaad dhulka hoostiisa ah oo isku qariyana ma jirin, waxay noqotay in aan ka soo qaxno Yaman si aan u badbaadno,” Aamina ayaa sidaas sharaxday.

*Aamina iyo qoyskeeda waxay go’aansadeen in ay ka qaxaan Shumaili oo ku taalo Yaman ayagoo ka badbaaday 15 beri duqeyn walbahaar badan wadata. Waqtiyadii ugu dambeysay ee gudaha Shumaili, waxay dib ka xasuusatay sida dhakhsiyaha badan magaalada isugu bedeshay meel cidla ah tiro ka mid ah dhismayaashana ay burbureen.

Colaada oo Yaman ka sii socota, kumanaan qoys ayaa lagu qasbay in ay u qaxaan gobolo Soomaaliya ku yaalaan si ay u badbaadaan.

Tan iyo bishii Maarso 27keed, in ka badan 5,000 qoys ayaa soo gaaray Puntland iyo Somaliland ayagoo u dhabar adeygay   safar halis ah oo dhanka doonta ah oo ka soo baxay meelo kala gedisan ee Yaman. Setimaanada soo socda waxaa la filaaya dad badan in ay yimaadaan.

Xaaladaha colaada, xubnaha qoyska ayaa jahwareerka jira ku kala lumi karaan. Tani waxay ka sii dareysaa walaaca dhibanayaasha oo la halgamaya hubantila’aanta ku saabsan qadarka haysta kuwa ay jelcel yihiin.

Aamina waxay lumisay xiriirka labadeed waalid bartamihii isku dhexyaaca waxayna soo gaartay Berbera, Somaliland ayadoo rajo yar ka qabto in mar kale ay arki doonto ayaga.

Taageero ay ka heshay Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) oo qaabilaaya qaxootiga iyo kuwa soo laabanaya waxay awooday in ay raadiso halka ay joogaan waalidkeed.

“Tani waa goortii igu farxadda badneyd, waxaa dhici laheyd in waalidkeyga ka fogaado maylal laakinse goortii aan maqlay codkooda ayaan gartay in fursad ay jirto oo dib ula midoobi karo ayaga,” sidaa ayey si rajo soo cusboonaatay ku jirto ku tiri.

ICRC oo la kaashaneysaa SRCS waxay isku dayayaan in ay gar gaaraan dhibanayaasha qulqulatada Yaman si   xiriiriya qaraabadood dib ugu soo celiyaan. Hawsha waxaa ka mid ah baafinta dadka   iyo in la raadiyo si loo cadeeyo qadarka haysta kuwa weli maqan.

Ayadoo la raacayo Wakiilka ICRC Ayman Touhami ku sugan dekedda Berbera ayaa waxaa jira caqabado dhaliyey kororka tirada cusub ee dadka ka imaanaya Yaman.

“Waxaa jiraa dhibaatooyin badan la xiriira   meeleynta dadka tirada badan soo gaaraya goobta soo dhoweynta Berbera.  Luqada ayaa dhib jira ah maadaama qaxootiga aan ka hadlin Af Soomaaliga, waqti ayey qaadaneysaa si ay la qabsadaan dhaqanka shisheeye,” sidaas ayuu sheegay.

Wuxuu hadalkiisa ku daray, “Qaar qoysaska ka mid ah waxay qalalaasaha ku lumiyeen kuwii ay jeclaayeen si la dareemi karana ay u niyad jabsanyihiin marka ay imaanayaan. In la waayo qof la jeclaa wax sahlan ma ahan, waxaan isku dayeynaa inta aan awoodno si loo xaqiijiyo in xubin kasta o qoyska ka mid ah la helo.

 

*magaceeda ma

 

3.Sarkaal ka tirsan ICRC oo xog ka qaadaya qaxooti reer Yaman ah gudaha dekedda Berbera

Sarkaal ka tirsan ICRC oo xog ka qaadaya qaxooti reer Yaman ah gudaha dekedda Berbera. © ICRC/Ayman Touhami

 

images