Taageerada ICRC da bixiso waxaa ka mid ah taakulo daawo iyo qalab tayo leh, dayactirka dhismsayaasha caafimaadka, dhisida awooda shaqaalaha caafimaadka iyo isxilqaamayaasha, bixinta mushaarka iyo kharajyada joogtada ah ee loogu talagalay xarumaha dareelka caafimaadka asaasiga ah iyo isbitaalada.

  • Daaweyn lacag la’aan ah oo laga bixiyo 46da xarumood ee Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed ( 33 rigli ah iyo 13 guurguura) laguna daweeyo xanuunada caadiga ah iyo hawlaha barashada caafimaadka diiradana  la saaray cudurada laga hortagi karo ayaa ka faa’iday dad gaaraya 393,535(353,864 bukaan, 8,697 uurey, kuwa naas nuujiya  , iyo 30,974 caruur oo da’dooda ka yartahay 5 sano)
  • Xarunta nafaqeynta ee Isbitaalka Kismaayo ayaa lagu daweeyey 1,858 caruur la il darnaa nafaqo xumo
  • Isbitaalada Keysaney oo maamusho Ururka Bisha Cas eeSoomaaliyeed(SRCS) iyo Madiina kuna yaalaan Muqdisho iyo isbitaal Goboleedka Baydhabo iyo Isbitaalka Guud ee Kismaayo ayaa lagu daweeyey 3,632 bukaan dhaawacyo ka soo gaaray rasaas. 21,791 waxaa loo sameeyey qaliin halka 19,430 bukaan socodna lagu daaweeyey isbitaaladadaan
  • Taageerada qalabka caafimaadka waxaa ka mid ah hagaajinta iyo dayactirka isbitaalada Madiina iyo Kismaayo, dhismayaasha xarumaha SRCS ee Beletweyne iyo Dhusamareeb( hawshooda hada socota)
  • Waxay si gaar ah u diyaarisay taakulo daawo oo deg-deg ah si u caawiso 17 dhismayaal caafimaad( baro laga bixiyo gargaarka deg-degga ah iyo isbitaalo) si awood loogu siiyo in ay daweeyaan ilaa 650 oo dad dhaawac ah