Ujeedadu waa in la fududeeyo helida biyo nadiif ah iyo hagaajinta xaaladaha fayadhawrka.

  • Waxaa 40 bulsho oo ku dhaqan gobolada bartamaha iyo koofurta loo hagaajiyey helida biyaha loona qoday ceelal riig ah, ceelal gacmeedyo la dhisay, dayactirka ama dhismaha meelaha biyaha lagu keydsado iyo meelaha lagu qeybiyo biyaha, waxaana ka faa’iday 186,666 qof.
  • Waxaa 16 deegaanoo ku yaalaan gobolada Puntland,Shabeelaha Dhexe iyo Hoose,Galgaduud iyo Mudug loo hagaajiyey hab-dhaqameedka waraha biyaha loogu keydsado iyo xoolahooda loona dhisay berkado, warahana ciida ayaa laga saaray, mashaariicdan waxaa ka faa’iday dad gaaraya 70,107