1,491 qalabka lafaha oo artifishal ah, 775 ulaha socodka, 128 kuraas curyaan ah iyo 15,247 kulamo dabiib jireed ah. kuwani waa aalado iyo adeegyo la siiyey dadka naafada ah sanadkan dhamaan sadax xarumood oo dhaqan celin ah oo l Soomaaliya. Xarumaha ku yaal Muqdisho, Galkacyo iyo Hargeysa waxaa maamula guddiga caalamiga ah ee laanqeyrta Cas ( ICRC ) iyo ururka bisha cas ee Soomaaliyeed (SRCS). Wadan uu soo maray in ka badan sodon sano oo colaado ah, baxnaaninta jireed ayaa muhiim ah waxayna rajo gelinaysaa dhaawacyada ay awoodooda si xun u saameysay iska horimaadka socda.

Si loo xuso maalinta caalamiga ah ee dadka naafada ah ee sanadkan waxaan la fariisanay Daniel Du Toit Botes, oo ah Madaxa barnaamijka dhaqan-celinta Jirka ee ICRC, si aan wax badan uga ogaano sida ay tahay xaalada Soomaaliya.

Daniel Du Toit Botes – Maamulaha barnaamijka dib u dhiska jirka, Soomaaliya

Q1.  Intee in le’eg ayaad  ku jirtay shaqadaan?

Waxaan ka soo shaqeeyey waaxda baxnaaninta jireed mudo 15 sanadood  ah iyadoo in ka badan laba sano aan la joogey ICRC da Soomaaliya. Waxaan si iskaawax u qabso ah ka bilaabay shirkad gaar loo leeyahay oo ku taal magaalada aan ku dhashay ee Koonfur Afrika intii aan ku jiray dugsiga sare si aan u eego bal in xirfadu ay igu haboon tahay iyo in kale. arday ahaan, waxaan tababar shaqo ku qaatay shirkad gaar loo leeyahay markii aan wax baranayey si aan khibrad wax ku ool ah u helo waxaan ururka ka tirsanaa in ka badan lix sanadood, Soomaaliyana waa howlgalkeyga afraad ee ururka.

 

 

Q2. Sidee baad  hadaba, ku sifayn lahayd xaaladda baxnaaninta jireed ee Soomaaliya?

Soomaaliya, baahida baxnaanintu waa kuwo aad u weyn oo aan lagu dabooli karin agabka iyo cududa la hayo, si loo helo xoogaa aragti ah, qiyaastii 15% dadka Soomaaliyeed, oo ah laba ka mid ah 10 kii qofba, ayaa leh nooc ka mid ah naafonimada oo ay la socdaan caqabado kala duwan oo aakhirka u horseeda naafonimo. Haddii aan ku qiyaasno dadka Soomaaliyeed in ay gaarayaan ilaa 16 milyan, markaas, in ka badan laba milyan oo qof ayaa qaba nooc ka mid ah naafanimada kuwaas oo in ka badan 80,000 ay qabaan naafo jireed una baahan wax qabad sida lugaha artifishal ah, qalabka gar-gaarka dhaq-dhaqaaqa iyo jimicsiga, qiyaastii 2% dadka Soomaaliyeed, oo ah in ka badan 300,000 oo qof, waxay u baahan yihiin kursiga curyaanka iyo 0.1% dhalaanka cusub kunkii qofba  hal  ayaa u baahan daawaynta lugaha.

Hadda, si wax looga qabto baahidaas  wadar ahaan 32 xarumood oo baxnaanin ah ayaa loo baahan yahay oo leh shaqaale gaaraya 720 shaqaale dhaqan celin ah,  xaqiiqda ka jirta Soomaaliya aad bay uga duwan tahay, afar xarumood  kaliya oo baxnaanin ayaa dalka ka jira, sadex ka mid ah waxaa iska leh SRCS oo ay taageerto ICRC, xarumuhu waxay bixiyaan adeegyo khaas ah oo leh shaqaale gaaraya 52 shaqaale dhaqan celin ah.

Sannadka 2021, ku dhawaad 16.4% baahida dalka waxaa daboolay afarta xarumood ee dhaqancelinta oo la isku daray, nasiib daro, waxaan sidoo kale ognahay in kaliya 5% dadka xaqa u leh kursiga curyaanka ay heleen mid, taasi waa, kursiga curyaamiinta ku haboon oo buuxinaya baahidooda iyo deegaankooda nololeed, siiyanana taageero iyo mid ku haboon  waa amaan in la isticmaalo oo waarayana.

Q3. Waa maxay ciladaha guud ee aad ku aragto xarumaha?

Tani way kala duwanaan kartaa iyadoo ku xiran degaanka iyo arrimaha kale ee jira sida colaadaha, abaaraha, nafaqo-xumada, barakaca, iyo cudurrada dllaaca, tirada dadka u baahan adeegyada baxnaanintu waxay si toos ah u dhigantaa tirada arimaha kale ee ay la kulmaan.

Sababaha ugu badan ee naafonimada sadexda xarumood ayaa ah rasaasta, qaraxyada, miinooyinka, qaniinyada, cudurrada, shilalka wadooyinka iyo gubashada. goynta, dhaawacyada neerfaha, curyaan maskaxeed, dhaawacyada laf-dhabarka, dhibaatooyinka kala goysyada, jabka, carruurta cagaha cuuryaanka ka ah, dhibaatooyinka laabta, iyo xanuunka dhabarka hoose ayaa ah qaar ka mid ah xaaladaha caadiga ah ee dhammaan sadexda xarumood,  kuwaasi maaha sida ay u kala horeyaan oo way kala duwanaan doonaan iyadoo ku xiran meesha iyo wixii kale ee ka jira aagaas.

Q4. Halkee bay baxnaaninta jireed ku haboon tahay, daryeelka caafimaadka oo ma ka jiraa haba sii gudbinta?

Baxnaaninta jireed waa qayb ka mid ah nidaamka daryeelka caafimaad ee joogtada ah ee qof kasta u baahan karo inta uu nool yahay, gaar ahaan kuwa ay saameeyeen iska horimaadyada hubaysan iyo/ama naafo ah, daryeelka joogtada ah waxaa lagu tilmaami karaa habab gudbineed oo qofka loo maro si loo gaaro yoolka ugu dambeeya kaas oo lagu soo celin karo caafimaadka, madax bannaanida, ka qayb qaadashada ciyaaraha, la dhaqanka saaxiibada, ku noqoshada shaqada, iyo/ama helitaanka waxbarashada,  Si loo gaaro yoolkan waxa laga yaabaa in qofku u baahdo inuu daawayn ka helo dhawr qof oo xirfadlayaal ah talabo kasta oo tixraac ah,  tani waxay ku xiran tahay nooca dhaawaca ama heerka naafanimada.

Haddii qof uu ku talaabsado miinada oo uu lumiyo xubinta hoose, nidaamka daryeelka shakhsi ahaaneed ee joogtada ah wuxuu u ekaan doonaa sida soo socota: dhaawac ka soo gaaray miinada, gar-gaarka deg-dega ah iyo daaweynta deg-dega ah ee isbitaalka ka hor, loo daad gureeyay isbitaalka, qaliin, taageero nafsi ah, u gudbin xarunta baxnaaninta jireed, baxnaanin jireed, tababar xirfadeed, iyo ugu dambeyntii dhaqan-dhaqaale iyo dib-u-dhexgalka.

Soomaaliya gudaheeda, waxaa jira tixraacyo joogto ah oo u dhexeeya barnaamijyada kala duwan ee caafimaadka si loo hubiyo joogtaynta daryeelka kiis kasta. barnaamijka baxnaaninta Jirku waxa uu soo gudbin ka helaa barnaamijka gar-gaarka deg-dega ah iyo ka hor isbitaalka, barnaamijka daryeelka caafimaadka aas-aasiga ah, barnaamijka cisbitaalka, iyo shabakadaha ururada ee dadka naafada ah. Waxaan sidoo kale ku tiirsan nahay gudbinta jirta iyo ololayaasha ay bilaabeen SRCS si kor loogu qaado wacyiga,  barnaamijka baxnaaninta Jirku wuxuu siiyay wacyigelin iyo tababar ka hortag ah shaqaalaha daryeelka caafimaadka si loo ogaado kiisaska suurtagalka ah ee u gudbaya xarunta baxnaaninta jireed ee ugu dhow ee agagaarka.

Q5.  Ma jiraan wax qorsheyaal mustaqbalka ah ee barnaamijka baxnaaninta?

Hada waxaan wadnaa barnaamij tijaabo ah oo lagu kordhinayo helitaanka dadka naafada ah ee ku nool meelaha fog ee dalka ee u baahan adeegyada dhaqan celinta balse aan haysan si ay u gaaraan xarumaha, tani waxaa la sameeyaa iyadoo lala kaashanayo xarumaha SRCS iyo iyadoo la kaashanayo shabakadooda balaaran ee laamaha dalka oo dhan waxay aqoonsadaan kiisaska iyagoo ku saleynaya shuruudo waxayna u gudbiyaan xarumaha baxnaaninta, ICRC-du waxay dabooshaa kharashka gaadiidka, cuntada, iyo hoyga, taageeradani waa mid gaar ah oo qaali ah, sidaas darteed, waxaan beegsaneynaa kuwa ugu nugul, waxaana mudnaanta siineynaa kuwa ay saameeyeen iska horimaadyada hubeysan iyo xaaladaha kale ee rabshadaha,  haweenka, raga, gabdhaha iyo wiilasha naafada ah mudada dheer waxay ka mid yihiin kuwa ugu saboolsan uguna liita bulsho kasta. Inta badan laguma darin waxqabadyada si siman dadka kale, caqabadaha ay la kulmaan awgeed. Is-dhexgalka ka dhexeeya naafada iyo caqabadaha ay la kulmaan bulshadan ay saamaysay ayaa sababta inay naafo noqdaan marka la barbar dhigo kuwa kale.

Sanadka soo socda, waxaan sidoo kale maamuli doonaa barnaamij tijaabo ah annaga oo kaashanayna kooxdayada EcoSec si aan u taageerno dadka naafada ah inay abuuraan ganacsiyo yaryar oo aan siino tababaro ku saabsan sida loo maamulo,   tani oo ay weheliso isboortiga dadka naafada ah, oo ah hindise kale oo aan hiigsaneyno inaan bilowno sanadka soo socda, ayaa ugu dambeyntii awood u siin doona dib-u-dhexgalka dhaqan-dhaqaale, si loo xiro wareega joogtada ah ee wareega daryeelka.