Mutadawiciinta Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) ayaa ku hawlan kor u qaadista dhaqamada fayo-dhowrka iyo farriimaha ka-hortagga ee COVID-19 ka wada gudaha magaalada Kismaayo. Kooxaha  waxay sameynayaan booqashooyinka qoysaska, iyaga oo  bixinaya macluumaad ku saabsan fayraska, waxayna qaybinayaan saabuun iyo kiniiniyada koloriinka ah.

Meesha hoose waa sawiro laga soo qaaday magaalada Kismaayo, halkaas oo kooxaha Ururka Bisha Cas ay sii wadaan dadaalkooda ka hortagga ah.

Najmo Maxamed waa mutadawac ka tirsan Ururka Bisha Cas ayaa waxay bulshooyinka ku nool Kismaayo u sharaxaysa sideeda tallaabo oo gacmo dhaqashada ah. Gacmaha oo lagu dhaqdo saabuun iyo biyo waa mid ka mid ah tallaabooyinka looga hortago COVID-19.  ©ICRC/ Mohamed Salad.

 

Aamina Muuse oo deggan xerada barakacayaasha Dalxiiska waxay deriskeeda tuseysa una sharaxaysa gacmo-dhaqashada saxda ah. Waxay ka mid tahay 38,000 qof oo ka qayb qaatay kulamada dhiirrigelinta caafimaadka oo ay qabtay Ururka Bisha Cas. ©ICRC/ Mohamed Salad.

 

Maxamed Maalim waa mutadawac ka tirsan Ururka Bisha Cas wuxuu carrabka ku adkeynaya muhiimadda ay leedahay kala fogaanshaha iyo iska ilaalinta xiriir dhow lala yeesho dadka xanuunsan. Tani waa madal furan oo ka qaybgalayaashu ku waydiin karaan su’aalo ku saabsan COVID-19. ©ICRC/ Mohamed Salad.

 

8.5 milyan oo kiniiniyada koloriinka ah iyo 284,856 xabbo oo saabuun ayaa lagu diyaariyey sagaal-ka laamood ee Ururka Bisha Cas. Hamdi Ali iyo Maxamed Macalim waxay saabuun u qaybinayaan qoysaska ku nool xerada Sakuye ee Kismaayo. ©ICRC/ Mohamed Salad.