Guddiga Caalamiga ee Laanqayrta Cas (ICRC) waxay la shaqeynaysa Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) si bulshooyinka ku nool Soomaaliya  u siiyaan macluumaad iyo taageero si looga hortago faafitaanka COVID-19. Mutadawiciinta Ururka Bisha Cas waxay wadaan casharro waxbarasho caafimaad oo ku saabsan sida looga hortago faafitaanka cudurka iyo sidoo kale waxay  qaybinayaan saabuun iyo kiniiniyada koloriinka ah.

Halka hoos waa sawiro laga soo qaaday magaalada Baardheere ee  Gobolka Gedo halkaas oo kooxaha Ururka Bisha Cas  toddobaadkan ka bilaabeen dadaalkooda ka hortagga ah.

Xubin ka tirsan kooxda Ururka Bisha Cas ayaa ka hadlaya muhiimada ay leedahay kala fogaanshaha bulshada ee xaddidaya gudbinta coronavirus. ©SRCS/ Ibraahim Isaak Gasey.

 

Ururka Bisha Cas iyo ICRC waxay ku dadaalayaan in 120,000 qoys la gaaraan macluumaad ku saabsan sida looga hortagi karo COVID-19 iyadoo isla mar ahaantaana qaybinayaan saabuun iyo kiniiniyada koloriinka ah. ©SRCS/ Ibraahim Isaak Gasey.

 

Ilaa iyo hadda, 8,000 qoys oo ku nool magaalada Baardheere ayaa toddobaadkan lagu caawiyay macluumaad ku saabsan sida looga hortago faafitaanka COVID-19. Kooxaha hoggaaminaya kulamada oo ku dhex jira bulshooyinka waa shaqaale caafimaad iyo mutadawiciinta Ururka Bisha Cas kuwaas oo loo tababaray sida looga hortago iyo calaamadaha COVID-19. ©SRCS/ Ibraahim Isaak Gasey.

 

Mutadawac ka tirsan Ururka Bisha Cas ayaa waxay dadka deggan magaalada Baardheere u sharaxeysa sida gacmaha loogu dhaqdo biyo iyo saabuun. ©SRCS/ Ibraahim Isaak Gasey.

 

Mutadawiciin ka tirsan Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) ayaa saabuun u qaybinaya bulshooyinka ku nool magaalada Baardheere. Kooxaha hogaaminaya fadhiyada iyo la dhaqanka bulshada ayaa ah shaqaalaha caafimaadka iyo tabarucayaasha SRCS oo loo tababaray kahortagga iyo astaamaha COVID-19. ©SRCS/ Ibraahim Isaak Gasey.