Guddiga Caalamiga ee Laanqayrta Cas (ICRC) waxay naxdin ka soo gaartay dhimashada mid ka mid ah shaqaalaheeda, Cabdulxaafid Yuusuf Ibraahim oo ku sugnaa Muqdisho. Wuxuu geeriyooday habeenkii Arbacada aheyd ka dib markii dhaawacyo ka soo gaaray walxaha qarxa oo la qarxiyay asagoo ku dhex jiro gaarigiisa sida gaarka u lahaa kana tagay xafiiska ICRC oo ku yaala magaalada caasimadda ee Muqdisho galab Arbaco ah.

“Waxaan ka naxnay geerida Cabdulxaafid oo xubin muhiim ah ka ahaa kooxdeena Soomaaliya,” ayuu yiri Simon Brooks, madaxa ergada ICRC-da Soomaaliya. “Waxaan waqtigaan aadka u adag tacsi tiiraanyo leh u direynaa qoyskiisa iyo kuwii ay jeclaayeen.”

Cabdulxaafid Yuusuf Ibraahim

Cabdulxaafid oo dhalashadiisu aheyd Soomaali wuxuu kooxda ICRC ku soo biiray shan bilood ka hor shaqadiisuna aheyd sarkaalka xiriirka sharciga. Cabdulxaafid wuxuu kaalin muhiim ah ka qaatay doorkiisa ahaa dhiirigelinta mabaadii’da xeerka caalamiga ee bani’aadamnimada, xeerkaas oo ujeedadiisu tahay in uu xadido dhibaatada bani’aadamka soo gaarto waqtiyada dagaallada hubaysan.

“Iyadoo la dhiirigelinaayo xeerka caalamiga ah ee bani’aadamnimada, Cabdulxaafid wuxuu si buuxda ugu heelanaa ka dhowridda dadka rayidka ah oo saameynta xun ka soo gaarta dagaallada hubaysan iyo rabshadaha,” ayuu yiri Brooks. “Waa musiibo qoto dheer oo uu ku dhintay oo ah nooca weerarada oo si adag ugu dagaalamaayay inuu ka hortago.”

Cabdulxaafid wuxuu ka tagay xaas iyo laba gabdhood oo da’dooda tahay hal sano iyo laba sano.

Mid kale oo shaqaalaha ICRC ka mid ah ayaa qaraxa ka soo gaaray dhaawacyo fudud hadana dib ayuu u soo kabanaya.Ma garaneyno sababaha ka dambeeya weerarka waxayna ku dadaalayaan in ay wax badan ka fahmaan oo ku saabsan dhacdadaan naxdinta leh.

Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan la xiriir:
Crystal A. Wells, ICRC Nairobi, cwells@icrc.org, Tel.: +254 716 897 265