In ka badan 4,000 qof oo ku nool caasimadda Muqdisho ee 2018 waxay caqabad kale ku noqotay deegaan horeba dagaalo iyo abaar u bi’iyeen :  dhul ka saarid. Xeryo muddo soo jiray oo loogu talagalay barakacayaasha ayaa la burburiyay iyadoo qaar ka mid ah dadka ugu nugul magaalada ka dhigtay guri la’aan.

Qaar badan waxay dib u degeen xarunta Kalkaal oo ah xero hadda ku nool dad lagu qiyaasay 800 oo qof kuna taala duleedka Muqdisho. Si qoysaska nugul loogu caawiyo in ay dib ugu bilaabaan noolashooda, ICRC waxay siisaa deeq lacageed oo ah $85 qoyskiiba muddo saddex bilood ah. Qaarkood waxay ahaayeen ganacsato haween ah -badankooda waa carmalo iyo hooyooyin keligood ah, inkastoo ay jirto dhibaatooyin kala duwan oo ay la kulmeen waxay naftooda iyo tan caruurtooda u abuurayaan nolol.

Waa Shamso Maalim oo 38 jir ah waa hoggaamiyaha xarunta Kalkaal waa xero ay deggan yihiin ku dhowaad 800 qof oo barakacayaal ah. Iyadoo gacan ka heleysa guddi ay sameeyeen dadka deegaanka waxay kormeertaa waxa ka socda xerada waxayna ku dadaashaa sidii ay u xalin laheyd caqabadaha ay wajahayaan dadka meeshaas ku nool. ©Anisa Hussein/ICRC

Faadumo Ibraahim si ay u hesho dakhli waxay ku wareegtaa guryaha iyadoo iibisa dhar. Maalintii waxay awoodaa in ay iibiso dhar u-qalma $2 ilaa $3 tani waxay u sahlaysaa in ay ku daryeesho carruurteeda siddeeda ah. Waxay sidoo kale dhar dhaqid u aadaa bartamaha magaalada Muqdisho si ay u hesho lacag dheeraad ah. ©Anisa Hussein/ICRC

Haween ku sugan goobta shaqada! Koox dumar ah waxay sohayaan oo tidcayaan liil dhowr qaybood ah si xargo adag oo raaga ugu sameeyaan ka dibna la iibiyo. Xargaha marka la diyaariyo waxaa loo qaada bartamaha magaaalada halkaas oo lagu iibiyo si jumlo ah. ©Anisa Hussein/ICRC

Muslimo Ciise waxay gacanta ku falkisaa dambiilo si ay u fuliso dalabaadka macaamiisheeda oo ku sugan Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn Muqdisho. Qiyaastii laba toddobaad ayey ku qaadataa si ay dhammeyso hal dambiil oo ku iibiso $30. “Inta yar aan ka helo waxaan awoodaa in aan cunto iyo daawo uga soo iibsado caruurteyda,” ayey tiri. ©Anisa Hussein/ICRC

“Hurdo kuma laabto marka salaada subax aan tukado 5:00 subaxnimo,” ayey tiri Basra Maxamed, ganacsigeeda waa makhaayad yar oo ay ka iibiso canjeero iyo shaaha, goor hore ayey furtaa si looga quraacdo. ©Anisa Hussein/ICRC

Haweenka ku sugan xerada Deeman waxay dakhli ka sameeyaan falkinta dambiilo kuna iibiya suuqa weyn ee Muqdisho. Tani waxay haweenka awood u siineysaa inay helaan dakhli si ay uga siistaan baahidooda. ©Anisa Hussein/ICRC

Sahra Adan waa farshaxanad caan ku ah cilaan saarka oo ku sugan xerada barakacayaasha ee Kalkaal.Macaamiishu waxay ugu tagaan buushkeeda si timahooda loogu tidco cilaana loogu saaro. Ganacsigan waxay ku awoodaa inay kasbato lacag caddaan ah oo deg deg ah si caruurteeda cunto uga soo iibsato iyo dugsi qur’aana u dhigtaan. ©Anisa Hussein/ICRC